U bood dhigaalka

Xildhibaan Hore Oo Ku Geeriyooday Magaalada Muqdisho

Sheeko:War

Aas ay ka soo qeyb galeen Xildhibaanno, masโ€™uuliyiinta dowladda federaalka ah iyo shacabka badan ayaa shalay loo sameeyay Xildhibaan ku geeriyooday magaalada Muqdisho.

Xildhibaan Maxamed Maxamud Samatar oo ku magac-dheeraa Shukri Shaarweyne, kana tirsanaa xildhibaanadii dowladdii KMG aheyd ย ayaa ku geeriyooday Magaalada Muqdisho.

Qoraal ay heshay Goobjoog News waxaa lagu sheegay in Xildhibaanka u xanuunsanaa Sonkor, isla markaana uu muddo la xanuunsanaa, sababtaana u geeriyooday.

Marxuum Maxamed Maxamud Samatar waxaa uu ifka uga tagay hal gabar.

Goobjoog News