U bood dhigaalka

Xildhibaan Hore Oo Sheegay In Mamnuucista DP World Ay Saameynayso Wadahadalladii DFS Iyo Somaliland

Sheeko:Dalka

Xildhibaan hore oo lagu magcaabo Daahir C/qaadir Muuse Ciiro ayaa sheegay in xeerka Golaha Shacabka ay dalka kaga mamnuuceen shirkadda DP World ay saameyn cad ku yeelanayso wadahadalka dowladda federaalka iyo Somaliland.

Siyaasi Ciirro oo baarlamaanka Soomaaliya ka mid ahaa ayaa wareysi uu siiyey Goobjoog News ku sheegay in xeerka Golaha Shacabku yahay mid ay ku degdegeen.

Wuxuu tilmaamay in ay ahayd in xildhibaannadu guddi khubarro ah ay u xilsaaraan arrinta dekadda Berbera oo xubnaha baarlamaanka ku matalaya halkaas ka war doona la yiraahdo.

Dhanka kale wuxuu sheegay in go’aankani ay saameyn karto wadahadalkii dowladda federaalka iyo Somaliland oo dhowaan la filayey inuu billowdo iyo heshiiskii shirkaddaasi DP World loogu wareejiyay sanadkii tegay dekadda magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari ee Puntland.

“Waxaa ii muuqata in la degdegay, waxay ahayd in khubarro la magacaabo, la is weydiiyo waxa jira, la fiirryo saameynta ka dambeysay” ayuu yiri Ciiro.

Golaha Shacabka ee baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa shalay soo saaray xeer dalka looga mamnuucay shirkadda DP World.

Goobjoog News