U bood dhigaalka

Xildhibaan Ibraahim Saleebaan “Dowlado Soomaaliya Iska Soo Geli Kara Iskana Bixi Kara Ma Jiraan”

Sheeko:Baarlamaanka

Xildhibaan Ibraahim Saleebaan Ilka Case oo ka mid ah mudanayaasha baarlamaanka Soomaaliya ayaa sheegay in marnaba dalka aysan dowlado iska soo geli karin, iskana bixi karin iyaga oo fasax aan haysan.

Waxa uu sheegay xildhibaanka in ay ka xunyihiin dhacdooyinkii ka dhacay deegaanno ka mid ah gobalka Hiiraan oo ciidamo Itoobiyaan ah ku baneeyeen sidoo kalena sheegay in dad shacab ah la dhibaateeyay.

Sidoo kale waxa uu tilmaamay xildhibaanka in baarlamaanka uu ka hadli doono tacaddiyada ciidamada AMISOM ay ka geysteen dalka, kuna qanacsaneen hanaanka ay wasaaradda gaashaandhiga uga jawaabtay arimahaasi.

“Kuma qanacsanin wasaaradda gaashaandhiga warka kasoo baxay, waxaa ka hadal wanaagsanaa taliyaha ciidamada AMISOM ee gobalada dhexe, waa in la cadeeyo dadka la laayay iyo cidda laysa, waa howl u baahan in la baaro wixii ka dhacay Halgan iyo tacaddiyada AMISOM ay dalka gudahiisa ka geysteen, guddiga difaaca Baarlamaankana aad buu u dadaalayaa oo maalmahaan wuxuu ku mashquulsan yahay la kulanka madaxda AMISOM”

Xildhibaan Saleebaan ayaa sheegay in ka baarlamaanka ahaan ay eegayaan wax walba oo dalka ka dhaca iyo dhibaatooyinka shacabka loo geysto.

Hadalka xildhibaan Ibraahim Saleebaan ayaa imaanaya xilli taliyaha gobalada dhexe ee ciidamada AMISOM uu ciidamada Itoobiya ku eedeeyay in iyaga oo aan AMISOM ahayn ay hadana faarujiyeen deegaanno Al-shabaab ay ka qabsadeen.

Goobjoog News