U bood dhigaalka

Xildhibaan Ilyaas Barre Shiil “Ciidamada Kenya iyo kuwa dalalka kale waa in ay Soomaaliya uga baxaan muddo 2 sano gudahood ah, kuwa Soomaaliyana la dhiso”

Sheeko:Dalka

Ilyaas Barre ShiilXildhibaan ka tirsan baarlamaanka dalka Kenya Ilyaas Barre Shiil , islamarkaasina ah guddoomiye ku xigeenka gudiga difaaca iyo arrimaha dibada Kenya ayaa beeniyey warbixin ay dhawaan qortey jariidada Star ee Nairobi kasoo baxda, taasi oo sheegtey in gudigani uu baarlamaanka u gudbiyey mooshin xukuumada looga codsanayo in ay xiriirka u jarto Soomaaliya, ciidamada Kenyana laga soo saaro Soomaaliya.

Xildhibaanka oo waraysi siiyey idaacadda Goobjoog ayaa sheegey in warbixintooda waxa ku xusan ay yihiin in la xoojiyo xiriirka labada dal, lana furo safaaraddii Kenya ee Soomaaliya maadaamaa ay Soomaaliya joogaan dad badan oo muwaadhiniin Kenyan ah oo ka shaqaysta.

Wuxuu sidoo kale ka hadlay muranka badda ee labada dal u dhaxeeya, isagoo sheegey in arrinkaasi uu yahay mid yaala maxkamad, aysana u oolin baarlamaanka “Haddii dal uu dareemo in looga gar daranyahay arrin xaq ayuu u leeyahay in uu maxkamad aado, waana arrin iska caadi ah “ ayuu yiri Ilyaas oo intaasi ku daray in muranka dhul badeedka uusan ahayn mid ku kooban labada dal oo kaliya, balse yahay mid adduunka dhan ka dhaca.

“Xalka arrintani waa siyaasad ama dublamaasiyad” ayuu yiri Ilyaas Barre Shiil oo codsaday in aanan la buunbuuninin arrinka badda.

Wuxuu dhanka kale ka hadlay ciidamada Kenya ee ku sugan Soomaaliya “Ciidamada Kenya iyo kuwa dalalka kale ka socdaba ma ahan kuwa waligood sii joogaya Soomaaliya, waxaan anaga rabnaa in la dhiso ciidamada Soomaaliya, mushaarka askartani kale lagu bixinayo la siiyo kuwa Soomaalida ah, la tabobaro, asluub loo yeelo, la qalabeeyo, iyagana muddo labo sano ah gudahood ay ku filnaadaan amaanka dalkooda, kuwa dalalka kale oo ay Kenya ugu horeysana laga soo saaro Soomaaliya” ayuu yiri Ilyaas Barre Shiil.

Mar uu ka hadlay qaxootiga Soomaalida ee Kenya ayuu sheegey in isaga laga soo doortey deegaanka ay qaxootiga degenyihiin, wuxuuna meeshaasi ku tilmaamay xabsi weyn oo dusha ka feedan “Ilmihii meeshaasi ku dhashay maanta waa 24 jir, xaas iyo caruur ayuuna leeyahay, anaga waxaan rabnaa in xal loo helo, dalkoodiina inta loo nabadeeyo lagu celiyo si tartiib ah, wax qasab ah ma jiraan” ayuu yiri Ilyaas.

Goobjoog News