U bood dhigaalka

Xildhibaan Jaamac Axmed Maxamuud “Hadii Aad Sharciga diideen, Meesha Aad Ka Gashaan Baan Aniguna Ka Geli”

Sheeko:Dalka

Xildhibaan Jaamac Axmed Maxamuud oo ka mid ah xildhibaanadii mooshinka ka keenay madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulankii maanta ka dhacay Villa Hargeysa waxa uu kaga dhawaaqay in mooshinkii uu ka laabtay.

Sababta mooshinka uu uga laabtay ayuu xildhibaanka ku sheegay ka dib markii uu arkay in sharcigii uu ka socon waayay madaxda ugu sareysa dowladda Federaalka Soomaaliya.

Sidoo kale waxa uu sheegay in hadii xitaa uu kusii taagnaado go’aankiisa ku aadan mooshinka uu ogyahay in marnaba aanu socon doonin mooshinkaasi.

“Aniga shaqsiyan Jaamac baa la I yiraahdaa cidna kama wakiil ahi, 93-da ku jiraan , ma oranayo inta kale anaa ka wakiil ah, aniga waan ka noqday mooshinkeygii, laakiin maxaan uga noqday inaanu soconeyn baan ogahay, ma ahan in la dhaho wax kale ayuu uga noqday, waxaan ogahay oo ogaaday inaanu gudoomiye adiga kaa soconeyn, Ra’iisul wasaaraha ka socon waayay, madaxweynaha ka socon waayay, sidaa intii la’isku horfadhin lahaa dee anigu sharci baan rabaye, hadii aad diidaanna halka aad ka gashaan baan ka geli” ayuu yiri xildhibaan Jaamac

Xarunta Villa Hargeysa ee magaalada Muqdisho waxaa maanta ka dhacay shirka maareynta mooshinka ka dhanka ah madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, halkaasi oo ay ka qeygaleen Gudoomiyaha Baarlamaanka Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari, Ra’iisul wasaare Cumar Cabdirashiid iyo Xildhibaanadii mooshinka ka keenay Madaxweynaha qaarkood.

Goobjoog News