U bood dhigaalka

Xildhibaan Jeesoow “Waxaan rumeysanahay in xukuumadda ay sidaan ku dhacday” (Dhageyso)

Sheeko:Dalka

Xildhibaan Daahir Amiin Jeesoow oo ka mid ah mudanayaasha baarlamaanka Soomaaliya ayaa sheegay in aragti ahaan uu xilligaan aamin sanyahay in ay dhacday xukuumada uu hogaamiyo Ra’iisul wasaare Cabdiweli Sheekh.

Xildhibaanka oo wareysi siiyay Goobjoog Fm, ayaa sheegay in aysan dhici doonin, isbedal ku yimaada mooshinka ka dhanka ah Ra’iisul wasaaraha, waxaana uu ku cel celiyay in xildhibaano yar oo buuq sameeya aanu baajin karin Mooshinka, waa sida uu hadalka u dhigaye.

“Uma maleynaayo 20 xildhibaan oo fowdo sameyso in ay kursiga nagu celinayaan, Ra’iisul wasaarahana uu xilkiisa kusii haynaayo, waxaan aaminsanahay in xukuumadaan ay sidaan ku dhacday, meydka in la xabaalo ayaa wanaagsan, sidaas ayaan u aragnaa xukuumada, wasiirada qaarkood iyaga ayaaba nala saxiixay mooshinka” ayuu yiri Xildhibaan Jeesoow.

Xildhibaanka ayaa dhanka kale ugu baaqay dhamaan xildhibaanada in ay ilaaliyaan sharciyadda baarlamaanka, sidoo kalena waxa ay taageersanyihiin ama ay diidanyihiin ay codkoosa ku muujiyaan.

Shalay waxaa baarlamaanka ka dhacay buuq xoogan, xilli lagu madalsanaa in mudanayaasha loo qeybiyo mooshinka ka dhanka ah Ra’iisul wasaare Cabdiweli Sheekh Axmed, kaa oo sabab u noqday in uu qabsoomi waayo kulankii baarlamaanka.

Halkaan hoose ka dhageyso hadalka xildhibaan Jeesoow.

Goobjoog News