U bood dhigaalka

Xildhibaan Jeesow “August Baarlamaanka Qaraar Kale Ayaa Kasoo Baxaya Oo Meel Un La Raacin Doono Gobalada Jubooyinka”

Sheeko:Dalka

Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow oo ka mid ah mudanayaasha baarlamaanka Soomaaliya ayaa sheegay in maamulka Jubbaland waqtigiisa uu ku egyahay 27-ka bisha August ee sanadkaan, islamarkaana wasaaradda arimaha gudaha laga doonayo in ay dhisto maamulkaasi iyo wixii ka harsan mudadaasi gudaheeda.

Waxa uu sheegay Jeesow hadii wasaaradda arimaha gudaha ay waqtigaasi ku dhameystiri weyso maamulkaasi in bisha August baarlamaanka qaraar kasoo saari doono gobalada Jubooyinka lana raacin doono gobalo kale waa sida uu hadalka u dhigaye.

“Madaxweyne ma magacaabi karo madaxweyne kale, tuulana waa doorasho, sidaa daraadeedna heshiiskii Adis Ababa waxa uu dhigayay in hogaamiyaha Jubba loogu yeero Axmed Madoobe, waxaana ay ku egtahay 27-ka bisha August ee soo socota, intaas waa in maamulkaasi noqdaa mid hufan oo dhisan, anaga ayaa jecel in ay wax dhismaan, wasaaradda arimaha gudaha iyo xukuumadda waan ku amreenaa waana ku dhiira gelinaynaa in ay dhisaan maamul umadda Soomaaliyeed u dhan tahay oo shuruucda dalka waafaqsan, hadii ay dhisi waayeen August Baarlamaanka qaraar kale ayaa kasoo bixi doona oo meel un la raacin doono gobalada Jubooyinka” ayuu yiri Xildhibaan Jeesow.

Xildhibaanka Daahir Amiin Jeesow ayaa mooshinkii shalay ay u codeeyeen xildhibaanada baarlamaanka waxa uu sheegay in uu ahaa mid sharciga waafaqsan.

Go’aankiii shalay ee Baarlamaanka ayaa keenay in maamulka Jubbaland uu ku dhawaaqo xiriirka inay u jareen dowladda Federaalka Soomaaliya.

Goobjoog News