U bood dhigaalka

Xildhibaan Jeesow “Gaabiska Xagga Amniga Ee Jira Waa Mushaar La’aanta Ciidanka”

Sheeko:Baarlamaanka

Gudoomiye ku xigeenka guddiga arimaha gudaha iyo amniga ee baarlamaanka Soomaaliya Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow oo u waramay Goobjoog News ayaa sheegay in sababaha ugu weyn ee amni darada magaalada Muqdisho ay tahay mushaar la’aanta ciidamada dowladda oo uu tilmaamay in ay tahay sababta ugu weyn ee dhibaatada magaalada uga dhacayso.

Waxa uu sheegay xildhibaanka in ciidamada aysan lahayn muraal wanaagsan, islamarkaana aysan isku keeni karin inay ka fikiraan biilka reerahooda iyo sidoo kale in amniga ay sugaan.

“Waxaa muhiim ah ciidanka ruuxiisa amniga sugaaya inuu ahaado mid muraal leh oo dareen xoogan ku jiro, feejignaantoodana aad u sareyso waa muhiim, waxyaabaha gaabiska jirana waxa ay tahay mushaar la’aanta, askariga ma waxa uu k afikiraa biilka qoyskiisa mise arimaha amniga, marka mashquul noocaasi ah waa uu jiraa” ayuu yiri xildhibaan Daahir Amiin Jeesow.

Hadalka xildhibaan Daahir Amiin Jeesow ayaa imanaya ka dib markii Habeen kahor ay Xarakada Al-shabaab weeraro ku qaadeen Hoteelada Siyaad iyo Wehliye ee magaalada Muqdisho, waxaana weeraradaasi ka dhashay khasaare dhimasho iyo dhaawac isugu jirta.

Goobjoog News