Xildhibaan Jeesow “Gaalkacyo Haloo Dhiso Maamul Ka Madax Banaan Puntland Iyo Galmudug”

Guddiga Arrimaha gudaha baarlamaanka Soomaaliya ayaa soo jeediyay talo ah in magaalada Gaalkacyo ee gobalka Mudug loo sameeyo maamul ka madax banaan maamullada Puntland iyo Galmudug State.

Gudoomiye ku xigeenka guddigaasi Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow oo la hadlay Idaacadda Goobjoog ayaa sheegay in xalka ugu haboon ee Gaalkacyo ay u arkaan in si Kumeel gaar ah maamul loogu sameeyo illaa shacabka ay uga codeeyaan maamulka ay u baahan yihiin.

“Waxaa muhiim ah in la keeno xal cusub oo sidaan ka duwan, in mid la raaciyo Labada maamul Gobaleed Gaalkacyo, ama in Labada maamul laga madax banaaneeyo oo loo sameeyo maamul ay dadka soo doortaan, oo a waafajinayo sharciga oo beelaha dhan u wada dhan yihiin, ayna noqdaan kuwo ka caagan faragelinta Labada maamul ilaa uu imaanayo xal ah doorasho dadka ay dhiibtaan oo ay ku dooranayaan maamulka ay raacayaan” ayuu yiri xildhibaanka.

Xildhibaan Jeesow ayaa sheega dhinaca kale in maamullada Puntland iyo Galmudug looga baahan yahay dhankooda ka shaqeynta amniga iyo xasiloonida Gaalkacyo, ogaadaanna in shacabka Gaalkacyo ay yihiin dad muddo wada deggan oo walaalo ah.

Waxaa maalmahani isa soo taraya talooyinka ah in maamul gaar ah loo sameeyo magaalada Gaalkacyo ee gobalka Mudug.

Shalay waxaa magaalada Gaalkacyo heshiis horudhac ah ku gaaray maamullada Puntland iyo Galmudug oo dhawaan u dagaallamay magaaladaasi.

Goobjoog News

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close
Goobjoog

FREE
VIEW