U bood dhigaalka

Xildhibaan Jeesow “Madaxweynuhu Odoyaasha Dhaqanka Ayuu Taladii Dib Ugu Celiyay iyagaan Ka Sugeynaa Iney Meel inoo Jiheeyaan”

Sheeko:Baarlamaanka

Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow oo ah guddoomiye ku xigeenka guddiga arrimaha gudaha ee baarlamaanka Federaalka Soomaaliya oo wareysi gaar ah siiyay Goobjoog News ayaa sheegay in madaxweyne Xasan Sheekh uu odayaasha dhaqanka uu dib ugu celiyay talada dhismaha maamulka Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe.

Xildhibaanka oo ka mid ahaa waftiga madaxweynaha ayaa sheegay kulamada madaxweynaha uu la qaatay odoyaal dhaqameedku in uu ahaa kuwo si fiican usocda, waxa uu la kulmay, ayuu yiri; beelaha diidan shirka Jowhar si uu ugu qanciyo iney ka qeyb galaan shirka.

Xildhibaanka ayaa qirtay in tabasho badan ay jirtay , waxaanuu sheegay in dowladda looga fadhiyo xallinta tabashooyinkaas, waaanan arkaynaa meesha ay ku dhamaato ayuu hadalkiisa sii raaciyay.

Dadka reer Hiiraan iyo Shabeelaha dhexe wey rabaan in uu maamul sameysmo, laakiin wadadii loo maray ayaa waxbadan horey usoo hallaabeen oo hadda xilligan la joogo ay tahay in la saxo wixii khalad ah ee jira.

Xildhibaanka ayaa yiri “madaxweynaha shirarka intooda badan waan ku wehliyay, beel kasta oo uu la kulmo farxad ayay ku kala tagaayeen, walaac ayaa jira, laakiin waxaa uu keenay in odoyaasha talada dib gacanta loogu celiyo, maamul u sameynta iyaga oo looga dambeynayo, Sadex ama Afar duubabka rasmiga ah unbaa ka maqnaa, iyaga ayaa laga rabaa haddii ay Jowhar gogol dhiganayaan iyo haddii kale, taladaas iyaga ayay gacantooda ku jirtaa, iyagaana laga rabaa iney dhinac inoo jiheeyaan”.

Xildhibaanka ayaa hadalkiisa kusii daray; waxaan rajeynayaa in taladu noqoto wadajir, haddii dadka labada gobol tashadaan dowalddu ma helayso meel ay kasoo gasho.

Ugu dambeyn madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa gaaray magaalada Baladweyne Jimcihii shalay, isagoo halkaa u tagay qancinta odayaasha dhaqanka ee ka gadoodsan gogosha Jowhar ee maamul u sameynta Hiiraan iyo Shabeelaha dhex, iyadoo la filayo inuu kala soo laabo natiijo wax ku ool ah oo lagu wada qanacsan yahay.