U bood dhigaalka

Xildhibaan Jubbaland ah oo sheegay in la kala Duwo Caasimadda iyo Madaxweynaha inta Laga Gaarayo Doorasho Qof iyo Cod ah

Sheeko:Baarlamaanka

Xildhibaan Cabdillaahi Maxamed Da’uud Cumar oo ka tirsan Baarlamaanka Jubbaland oo si gaar ah ugu warramay Goobjoog News ayaa sheegay in la kala qaado caasimadda iyo Madaxweynaha, isagoo sheegay in ra’yigaas Jubbaland ay la qabto.

Xildhibaanka oo ka qeybgalay dood ku saabsan maqaamka Muqdisho oo ay soo qaban qaabisay idaacadda Goobjoog, ayaa waxa uu hadalakiisa ku bilaabay, “Soomaaliya waxay u gudubtay maamul goboleedyo iyo awood qeybsi iyadoo dowladda Soomaaliya ay dalka ku hoggaamisay 4.5 oo horey caqabad ugu ahaa, waxaan dhihi lahaa maqaamka in la kala qaado awoodaha Caasimadda iyo Madaxaweynaha, oo qabiilna la siiyo Madaxweynaha mid kalena qaato Caasimadda”.

“Caasimadda iyo madaxweynaha waa Laba awoodood oo aad  u weyn, waxaad moodaa in dadkii magaalada degenaa ay u wareegeen Gobolada, waxaan dareemayaa in caasimadda iyo madaxweynuhu aanay is raaci karin” ayuu hadalkiisa sii raaciyay.

“Haddii madaxweynahu noqdo Xasan Sheekh beeshiisa oo kale, in caasimadda la siiyo beelaha kale, waa qodob ay wax ku hirgeli karaan, inta laga gaarayo qof iyo cod ama nidaam axsaab ah, ka hor in awoodaas la qeybsado, sidaas ayaan aaminsannahay ka Jubbaland ahaan” ayuu sheegay.

Xildhibaanka oo ka hadlayay qaabka loo qeybsan karo khayraadka dalka ayaa sheegay in Dastuurka hadda ee Soomaaliya uu kala qeybinayo awoodaha, qeyb waxaa iska leh dadka deegaanka, qeyb kalena waxaa iska leh dowladda federaalka.

Ugu dambeyn, ra’yigan ayaa ah mid ku cusub saaxada awood qeybsiga siyaasadda Soomaaliya, maalin kasta dood cusub ayaa lagu arki doonaa saaxada siyaasadda dalka, inta laga gaarayo doorasho qof iyo cod ah oo dadka oo dhani si cadaalad ah ay u doortaan qofka ay iyagu rabaan.

Goobjoog News