U bood dhigaalka

Xildhibaan ka Tirsan Baarlamaanka Federaalka oo Farriin u Diray Golaha Madasha Wadatashiga Qaran

Sheeko:Baarlamaanka

Xildhibaan Shariif Maxamed Cabdalla oo ka tirsan baarlamaanka federaalka Soomaaliya oo wareysi gaar ah siiyay Goobjoog News ayaa farriin ku aaddan dib u dhaca doorashooyinka u diray golaha madasha wadatashiga qaran, isagoo tilmaamay dib u dhac kasta oo ku yimaadda doorashooyinku yahay mid dhaawacaya mustaqbalka siyaasadeed ee madasha.

Xildhibaanka ayaa ugu horreyn waxa uu ka jawaabay cidda mas’uuliyadda dib u dhaca doorashooyinka qaadaneysa, waxaana uu yiri;

“Su’aashaas waxay ku fiicnaan lahayd, dadka shaxda gacanta ku haya oo shaxda ka ligeed ma shaqeyneysee ma lagu sucday weeye oo wakhtiyadii sidii ay u qornaayeen ma loo sameeyay gudoomiyaha gudiga doorashooyinka ayaa ka jawaabi kara arrintaas dhabteedii, ma ku dhisneyd maangal ma ahayd iyadoo gobollada Shabeelada dhexe iyo Hiiraan arrintoodii wali way xayiran tahay, in arrimaha qaar la gaaro; gaar ahaan aqalka sare oo la’aantiis si uu ku dhaqaaqayo aan la garaneyn”.

Xildhibaanka ayaa sheegay in dib u dhaca doorashada ku yimaadaa uu hoos u dhigayo mustaqbalka siyaasadeed ee madaxda madasha:

“Madasha waxaa looga bartay iyadoo sharci iyo dastuur aan waxba la ilaalineyn iyagu sharciyaddii ay noqdaan oo wakhtigii ay rabaanna ay geystaan. Laakiin waxaan rajeynayaa waxay tahay iney xishoodaan iney u turaan mustaqbalkooda siyaasadeed in mudada ay qorsheeyeen oo ay guddiga isla gooyeen iney xurmeeyaan baan ka rajeynayaa, maxaa yeelay taa haddaan la yeelin siyaasi ahaan madaxdaa go’aankaa gaareysay kolley shacabka Soomaaliyeed waxay u badan tahay iney fikrad kale ka qaataan markaa waxaan rajeynaayaa suuf iyo xanjo intey isku dhajiyaan in ay wakhtiga ay qabsadeen ay fulin doonaan”.

Sababaha dib u dhaca ayuu ku sheegay inaaney ahayn oo qura dhaqaale iyo amni, laakiin ay ugu muhiimsan tahay dhismaha maamulka Hiiraan iyo Shabeelaha dhexe.

“Arrintu amni iyo dhaqaale kaliya maaha xiisado siyaasadeed ayaa gobollada aan hadda sheegay(Hiiraan, Sh/Dhexe) ka taagan oo aan wali heshiis laga gaarin, waxay ahayd xoogga oodhan in la iskugu geeyo dib u heshiisiin. guddiga doorashooyinkuna howlaha farsamo ee doorashada ayuu mas’uul ka yahay hadday dhaqaale tahay waxa ku baxaya inuu xadido ammaankana goobaha lagu qabanaayo doorashada inuu xadido uu ka dhageyso dadka qaabilsan, guddiga doorashadu wali waa mid rumuudka loo hayo, mas’uuliyadooda ma durayno, laakiin siyaasad ahaan wali waa la hoggaamiyaa, hadday dhahaan yaan nala soo farogalinin meelo ay siyaasad ahaan tahay in loo furdaamiyo oo howshoodii kaba baxsan ayaa jirta oo ay tahay in dowladda sare ay go’aan ka gaarto”.

Xoghayaha guddiga hirgelinta doorashada dadban Yaasiin Cali Jaamac ayaa Goobjoog u sheegay maalinimadii shalay in dib u dhaca ku yimid jadwalka doorasho uu yahay mid dhaqaale amni iyo ergadii doorasho oo aan wali si rasmi ah loogu soo gudbin.

Goobjoog News