U bood dhigaalka

Xildhibaan Ka Tirsan Baarlamaanka Federaalka Oo Lagu Weeraray Degmada Baladxaawo Ee Gobolka Gedo

Sheeko:Baarlamaanka

Xildhibaan Cabdifitaax Nuur Mataan oo ka mid ah mudanayaasha baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa habeenkii xalay ahaa waxaa lagu weeraray hoygiisa oo ku yaalla degmada B/xaawo ee Gedo.

Hoyga xildhibaanka ayaa lagu weeraray Bam Gacmeed sababay dhaawaca Seddax qof oo ku sugnaa gurigaasi.

Xildhibaanka waa uu badqabaa hase ahaatee waxaa goobta ku dhaawacmay Seddax haween ah oo xildhibaanka la dhashay, mid ka mid ahna hablahani xaaladeedu waa mid daran.

Ciidamada ilaalada ka hayey hoyga xildhibaanka ayaa la xaqiijiyey in rasaas badan ay rideen sida uu inoo sheegay mid ka mid ah dadka ku dhaqan degmada B/xaawo.

Waxaan isku daynay inaan xiriir la sameynno xildhibaanka si aan wax badan uga ogaanno qaabka ay wax u dhaceen ayaan inoo suurtagelin.

Xildhibaan Mataan ayaa maalmahan dambe ku sugnaa degmada B/xaawo ee gobolka Gedo.

Goobjoog News