U bood dhigaalka

Xildhibaan Ka Tirsan Baarlamaanka Galmudug oo Baaq Ku aaddan Amniga u Diray Shacabka iyo Siyaasiyiinta Maamulka

Sheeko:Baarlamaanka

Xildhibaan Mahad Cilmi Cali oo ka tirsan baarlamaanka Galmudug ayaa ugu baaqay shacabka iyo siyaasiyiinta hanka siyaasadeed leh iney ilaashadaan ammaanka guud ee Galmudug, gaar ahaan magaalada Cadaado oo dhawaan la filayo iney ka dhacaan xulista iyo doorashada baarlamaanka federaalka Soomaaliya.

Xildhibaanka oo wareysi gaar ah siiyay Goobjoog News ayaa ugu horreyn  baaq u diray shacabka:

“Waxaan rabay  inaan fursadan uga faa’iideysto labo baaq oo kookooban, baaqa koowaad waxa uu yahay shacabka Galmudug inaan ugu baaqo iney amnigooda ilaashadaan, waxaan filayaa in shacabka Galmudug ay yaqaaniin ammaanku waxa uu yahay, waxaan kaloo filayaan amni la’aanta dhibkeeda iney dad garanaya yihiin, maalmaha soo socda waxaa kusoo fool leh shirkii lagu dhisayay baarlamaanka federaalka oo lagu qaban doonaa magaalada Cadaado, mas’uuliyad adag baa ina saaran, baaqeygu waxa uu ku waajahan yahay amniga in laga taxadaro, amniga shacabkaa ilaashada ciidamaduna qeyb bay ka qaataan”.

“Tan kale waxa weeyaan siyaasiyiinta kala gadisan ee danaha siyaasadeed leh ee Kaambeynkaas(ololaha doorasho) ku jira, qof kasta oo siyaasi ah shacabkiisa ayuu wax ka dhex noqon karaa, 51 qof baa xulanaya qof kasta oo xildhibaanimo raba, maalmaha soo socdana waxaan filayaa qof iyo cod iney noqon doonto, dadkii codkooda wax lagu noqon lahaa, waxaan oran lahaa, in amnigooda iyo horumarkooda ay qeyb ka qaataan”, waana sida uu hadalka u dhigay.

Xildhibaanka oo ka hadlaya sababta baaqan uu u soo jeediyay ayaa sheegay; in ammaanka Cadaado meel wanaagsan uu marayo, shaqaaqooyin yaryar oo maalin dhaweyto dhacay ay jiraan, waxayna salka ku haayaan oo hadda dhibaato ah ma dareemayno, isku dhac ciidan oo saraakiil milatariga ka tirsan dhexdooda ayaa dhacay, Galmudug amaanka ciidamo shisheeye oo dibadda ka yimid kama aaney qeyb qaadan, ciidamadu waa iney qaataan mas’uuliyadooda dhanka ammaanka Galmudug.

Waxa uu xildhibaanku sheegay Illaa shan kun oo qof iyo ka badan iney magaalada ku soo fool leeyihiin, kuwaas oo ka qeyb qaadanaya doorashada xildhibaanada federaalka oo Cadaado ka dhici doonta.

Guddoomiyaha baarlamaanka Galmudug Cali Gacal Casiir ayaa dhawaan ku baaqay in ammaanka magaalada Cadaado la adkeeyo isla markaana aan la arki karin qof si sharci darro ah u wata hub magaalada dhexdeeda.

Goobjoog News