U bood dhigaalka

Xildhibaan Ka Tirsan Galmudug Oo Sheegay In Shaqadooda u Xayiran Tahay Guddoon La’aan

Sheeko:Baarlamaanka

Xildhibaan Maxamed Xasan Xuseen oo ka tirsan baarlamaanka Galmudug oo wareysi gaar ah siiyay Goobjoog News ayaa sheegay in baaralamaanka Galmudug la waayay cid Guddoomisa.

Xildhibaanka ayaa ugu horreyn hadalkiisa ku bilaabay caqabadda hortaagan baarlamaanka Galmudug:

“Kalfadhiga Labaad ee baarlamaanka dowlad goboleedka Galmudug, waxaa jira caqabado badan oo ka hor yimid, guddoonku iyadoo ay socoto shaqadii baarlamaanka ee kalfadhiga 2-aad baa 3-dii guddoon iskaba tageen, waxay maqnaayeen muddo laba bilood ku dhaw cid guddoomisa baarlamaanka ayaa la waayay, caqabadda kale oo dhanka xukuumadda ahna wey jiraan”.

“Taasi waa ku xadgudub shuruucda dowlad goboleedka galmudug iyo shuruucda dowladda federaalka Soomaaliya iyo shuruucda caalamiga ah , in baarlamaan uu waayo cid guddoomisa waa xadgudub, xildhibaanadii qaar kamid ahna waxa raaceen madaxweynaha oo howl shaqo u aaday gobolka Mudug, markii ay ka yimaadeenna waxay u raaceen Xamar, sidaa darteed waxaa ku dhacay khalkhal shaqo oo ku yimid baarlamaanka dowlad goboleedka Galmudug”.

Waxa uu sheegay in guddoonka baarlamaanka Galmudug uu ku milmay xukuumadda waa sida uu hadalka u dhigaye.

“Guddoonka baarlamaanka waxa uu ku milmay xukuumadda, sida wasiirrada oo kaleeto ayay baarlamaanka ku milmeen, waxaad moodaa awaamiirta ay qaadanayaan iney cid kale ka qaadanayaan, uma qalmaan guddoon baarlamaan inay sii ahaadaan”.

“Baarlamaanku waxa uu u dhisan yahay in xukuumadda howsheeda la koontaroollo, xukuumaddu waxay ka cararaysaa dabagalka baarlamaanka iyo la xisaabtanka” ayuu hadalkiisa sii raaciyay.

Waxaa jira ayuu yiri xildhibaanku “Go’aanno aan gaarnay rag aan anigu ku jiro, haddii sidan lagu sii socdo waxaa dhacaysa in meelo kale oo uu baarlamaanku ku sii shaqeeyo la helo, baarlamaankuna shaqadiisa wuu gudanayaa cidna uga xishoon mayo ugana baqi maayo”

Xildhibaan Maxamed Xasan ayaa hoosta ka xarriiqay iney jiraan shaqooyin farabadan oo baarlamaanka horyaalla isla markaana ay ahayd in la gudo galo isaga oo tusaale usoo qaatay sharciga arimaha garsoorka, iyo kuwo kale oo uu tilmaamay inay is dulsaaranyihiin oo illaa 20 gaaraya.

“Warka hoose ee la sheegayo waxa uu yahay in xukuumadda  la ridayo, taa garan meyno cid ku talisay iyo cid ku heshiisay garan meyno, war aan wax ka ogahay maahan, laakiin baqitaan ayaa jiro baan maqlay arrintaas ayaana kalliftay ayaa la yiri inaan baarlamaanku uusan shaqeyn howshiisana la hor istaago”Xildhibaanka ayaa sidaasi yiri.

 

Xildhibaan Maxamed Xasan Xuseen ayaa ugu dambeyn ku baaqay in baarlamaanka Galmudug shaqadiisa loo madax bannaaneeyo meeshana laga saaro cadaadiska iyo shaqada oo la hor istaago.

Goobjoog News