U bood dhigaalka

Xildhibaan Ka Tirsan Baarlamaanka Koonfur Galbeed Oo Is Casilay

Sheeko:Baarlamaanka

Faarax Sheekh Cismaan Cabdi  oo ka mid ahaa xilibaanadii Baarlamaanka Koofur Galbeed ee la dhaariyay 28 bisha aan ku guda Jirno ayaa waxa uu si cad u shaaciyay in uu iska casilay jagada xildhibaannimada oo maalmo qura hayay.

Mudanahan ayaa sheegay in is casilaadiisa ay la xiriirto kadib markii beeshiisa aanay ku qancin saami qeybsiga xildhibaannada.

“Aniga oo ah Faarax Sheekh Cismaan Cabdi kana mid ah xildhibaannada baarlamaanka maamulka Koonfur Galbeed, waxaan halkaan ka cadeynayaa in maanta wixii ka dambeeya aan xilkaasi haynin oo iska casilay, kadib markii beesha aan kasoo jeedo ku qanci weysay saami qeybsiga baarlamaanka Koonfur Galbeed” ayuu yiri Faarax

Sidoo kale mas’uulkaan ayaa sheegay in is casilaadiisaan wada tashi badan ay ka sameeyeen beeshiisa, lana go’aansaday in meesha uu faarujiyo.

28-kii bishaan ayaa magaalada Baydhaba ee xarunta gobalka Baay waxaa lagu dhaariyay 56 mudane oo ka mid noqonaya baarlamaanka Koonfur Galbeed iyadoo horay loo dhaariyay 89 xildhibaan, waxaana dhinaca kale jira dhaliilo ay qabaan qaar ka mid ah beelaha deggan gobalada Koonfur Galbeed oo sheegaya in baarlamaanka maamulkaasi lagu qadiyay.

Goobjoog News