U bood dhigaalka

Xildhibaan Ka Tirsan Baarlamaanka Oo Ku Baaqay In La Adkeeyo Heshiiska Gaalkacyo

Sheeko:Dalka

Xildhibaan Cabdi Barre Yuusuf oo ka mid ah mudanayaasha baarlamaanka Soomaaliya ayaa ku baaqay in la adkeeyo heshiiskii Gaalkacyo, islamarkaana laga fogaado wax walba oo dhib u keeni kara heshiiskaasi.

Waxa uu xildhibaanku sheegay in dagaalkii shalay dhacay uu dhabar jab ku noqonayay heshiiskii la wada gaaray, balse waxa uu soo dhaweeyay in xabadda la joojiyo, islamarkaana la kala dhex galo Labada dhinac.

Xildhibaanka Cabdi Barre ayaa sheegay in nabad ka dhalata magaalada Gaalkacyo ay dan ugu jirto shacabka Soomaaliyeed ee halkaasi ku nool, islamarkaana madaxda Puntland iyo Galmudug laga doonayo inay u istaagaan taaba gelinta heshiiskaasi.

“Waa in mar walba laga fogaado wax walbo oo dhibato ku ah nabadda, dagaalkii shalay qalqal buu geliyay heshiiskii Gaalkacyo, laakiin waa in la ogadaa nabadda shacabka Labada dhinac bay dan ugu jirtaa” ayuu yiri xildhibaanka

Shalay waxaa magaalada Gaalkacyo ka dhacay dagaal u dhaxeeyay ciidamada Puntland iyo Galmudug, kadib heshiis ay kala saxiixdeen Punland iyo Galmudug.

Goobjoog News