U bood dhigaalka

Xildhibaan ka tirsan baarlamaanka oo sheegay inuu ka badbaaday isku day dil

Sheeko:War

Xildhibaan ka tirsan baarlamaanka federaalka Soomaaliya ayaa sheegay inuu ka badbaaday isaku day dil ah.

Xildhibaan Cabdiweli Maxamed Qanyare Afrax oo ka mid ah Mudaneyaasha Baarlamaanka Soomaaliya ayaa sheegay in Xalay Ciidamada Nabad Sugidda dowladda ay weerar ku soo qaadeen Gurigiisa, halkasi oo uu sheegay in israsaaseyn ay ka dhacday. ISka ho imaadka ayaa ka dhacay inta u dhaxeysa garoonka diyaaradaha Aadan Cadde iyo Hotelka Jasiira.

Xildhibaanka ayaa shaaciyay in Ciidamada Nabad Sugidda ay soo weerareen iyadoo uu xusay in la doonayay in isaga la qaarijiyo, waxaana uu Mas’uuliyaada Qasaarihii ka dhashay Rasaastaasi ku eedeey Madaxda Hey’adaha ammaanka ee Dowladda federaalka Soomaaliya.

Warar hoose ayaa sheegaya in Ciidamada Nabad Sugidda dowladda ay raad joogeen nin la sheegay inuu ku sugnaa guriga xildhibaan Cabdiweli Maxamed Qanyare.

Wararka ayaa intaas ku daraya in taliyihii Ciidamada Nabad Sugidda ee xalay weeraray guriga xildhibaanka uu ku geeriyooday is rasaaseenta. Ma jiro wax war ah oo ka soo baxay dhanka laamaha ammaanka dowladda.