U bood dhigaalka

Xildhibaan Ka Tirsan Baarlamaanka Somaliland oo Farriin U Diray Madaxweyne Siilaanyo

Sheeko:Baarlamaanka

Xildhibaan Jirde Siciid Maxamuud oo ka tirsan aqadlka sare ee baarlamaanka Somaliland ‘Guurtida’ ayaa Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo waxa uu ugu baaqay in go’aanka laga sugaayo ka qaato saami siinta kuraasta wakiilada ee beelaha Somaliland, in uu beelaha Gabooye ugu daro tiro kuraas ah oo ay ku qancin karaan .

Xildhibaankan  oo warbaahinta kula hadlay Hargeysa ayaa sheegay in  haddii ay beelaha Gabooye kuraas u qalanta ay ku yeeshaan golaha ay horseedi karto cadaaladda Somaliland oo kor u kacda siina wanaagsanaata;  “ Madaxweyne adiga ayey manta ku hor taallaa taladii aad ka qaadan lahayd inaad qanciso beelaha aad madaxweynaha u tahay , Gabooyuhu waxa ay  kaa filanaynaa  iney kaa helaan war farxad leh”

Xildhibaan Jirde  waxa uu sheegay in golaha wakiilada oo ay ka maqnaadaan amaba ay tiro yar ku yeeshaan beelaha Gabooye oo iskugu jira qabaa’illo kale duwan ay taaban karto horumarka Somaliland ee dhinaca siyaasadda.

“Madaxweynaha waxaanu leenahay maanta adiga ayey taariikh kuu ahaan doontaa, haddii aad go’aan geesinimo leh qaadato  oo aad u garato xaqa ka maqan beeshaaasi ka tirsan beelaha Somaliland “ ayuu hadalkiisa ku daray xildhibaan Jirde Siciid oo ka tirsan aqalka odayaasha.

Beelaha Gabooye ayaan wax xildhibaan ah ku lahayn aqalka hoose ee wakiilada, iyadoo ay jirto tiro 3 ka badan oo isa soo sharaxday doorashadii 2005, kuwaasi oo aan ku soo bixin cod bixintii shacabku dhiibtay .

Hay’adaha maxaliga ah ee ka shaqeeya arrimaha doorashooyinka waxay waqtiyo kala duwan soo bandhigeen doodo ay ku taageerayaan  in beelaha Gabooye loo qoondeeeyo tiro cayiman oo kuraas ah amaba kooto goonni ah, maadaama aaney hadda u soortogaleyn iney  ku soo baxaan codkooda.

Goobjoog News