U bood dhigaalka

Xildhibaan ka Tirsan Galmudug Ayaa  Eedeeyn Kulul Usoo Jeediyay Mas’uuliyiinta Sarsare ee Maamulka

Sheeko:Baarlamaanka

Xildhibaan Cabdullaahi Cumar Maxamuud oo ka tirsan baarlamaanka Galmudug ayaa mas’uuliyiinta ugu Sareysa ee maamulka ku eedeeyay iney ka gaabiyeen wax ka qabashada dagaal beeleedyo ku soo noqnoqday gobolada Mudug iyo Galguduud.

Xildhibaanka oo wareysi gaar ah siiyay Goobjoog News ayaa sheegay inta aanuu dagaalkani bilaaban iney ka digeen xalkiisana u soo gudbiyeen madaxda sarsare ee Galmudug:

“Dagaalkani waxa uu ka dhacay labo beelood oo daris walaal ah, oo daga deegaanka Qaydaro iyo Maarsemage, dadku way diriraan oo hadana wey heshiiyaan oo wey ka wadahadlaan, , maamulka Galmudug oo xildhibaanno, wasiirro  iyo waxgarad leh ayaa tagay si ay u dhex dhexaadiyaan dadkaas walaalaha ah ee ku dagaalamay meeshaa iyadoo ciidamada nabadsugiidda iyo kuwa 21aad ay amniga u xil saarnaayeen, markii howshaa in la galo ay soo dhawaatay ayaa xildhibaanadii iyo mas’uuliyiintii waxay u soo laabteen mas’uuliyiinta ugu sarreysa ee Galmudug si waxa xalku yahay u soo gudbiyaan, laakiin xalka ay keeneen cid ka hoos qaaday ma aaney jirin”.

“Iyadoo xalkii hore aan la xallin ayaan waxaan ka soo dignay, haddii xildhibaanada deegaankaas kasoo jeeda aanu nahay, dagaal kale oo sokeeye ah inuu dhacayo, waxaanu niri ama ha la diro dad nabadda ka shaqeynaya ama ciidamo nabadsugid ah oo amniga sugaya hala diro markii, , markii aan usoo sheegnay mas’uuliyiinta ugu sareysa ee Galmudug nala kama qaadin, anagoo dhowr goor soo celinay inuu dagaal meeshaa kasoo cusboonaanayo ayaa dagaalkii dhacay, waxaa wax ku gaareen 67 qofood oo dhimasho iyo dhaawac iskugu jirta oo ka soo jeeda dadka labadaa dowladood oo walaalaha ah oo dariska ah ka soo jeeda ayaa meesha wax ku gaareen, mas’uuliyadda waxaan saareynaa maamulka Galmudug qeybaha ugu sarreeya ayaanu saareynaa meeshaa wixii ka dhacay, inay ku lug leeyihiin ama ay ka gaabiyeen meeshaa wixii ka dhacay”, ayuu hadalkiisa sii raaciyay.

Xildhibaanka ayaa dadka dagaalamaya ugu baaqay iney iyagu heshiiyaan maadaama dadka ay waxyeelladu soo gaaraysaa ay yihiin dadkoodii, cidda dhimaneysaana ay iyaga tahay.

Waxa uu sheegay  Xildhibaanku inuu iska casilay guddi Talaadadii uu ku dhawaaqay madaxweyne ku xigeenka Galmudug Maxamed Xaashi Cabdi uu u magacaabay iney dhex dhexaadiyaan labada beelood oo lagu soo daray, isagoo sheegay in ay sababtu tahay in Galmudug ay ka gaabisay mas’uuliyadeedii.

Si kastaba, dagaallo u dhexeeya beelo walaalo ah ayaa ka soo cusboonaaday bishan aan ku jirno Mudug iyo Galguduud kuwaas oo ay dad farabadan  ku waxyeelloobeen oo ay  dhibaato kasoo gaartay.

Goobjoog News