U bood dhigaalka

Xildhibaan ka tirsan Galmudug oo Ku Baaqay Joojinta Dagaalka Miircowleed

Sheeko:Baarlamaanka

Xildhibaan ka mid ah baarlamaanka maamulka Galmudug ayaa ka hadlay dagaal ka socda deegaanno ka tirsan maamulka oo uu ku baaqay in la joojiyo dagaalka.

Xildhibaan Cabduqaadir Cali Diirshe oo wareysi gaar ah siiyay Goobjoog News ayaa waxa uu sheegay in ciidamo loo malaynayo kuwa killirka Shanaad ay soo barakiciyeen dad rayid ah:

“Waxaan la soconnaa in meesha dagaallo ka jireen iyo is riixriix badan , middii ugu dambeysay dad shacab ah guryahoodii iyo baraagahoodii laga soo kiciyay niman Yunifom Bolis wata oo killirka shanaada iney ka mid yihiin loo maleeyay ay kasoo barakiciyeen, meelo soke ayay si qaxooti ah u joogeen”.

Xildhibaanka ayaa hadalkiisa sii raaciyay; “Waxaan maqleynaa in Shalay iyo maanta la soo weeraray, dad isla Yunifomkii wata ayaa soo weeraray dhibaataana meeshii ka jirto, waxaan leenahay in colaadaa la joojiyo wixii dhib ah oo jira wada hadal lagu galo ayaan soo jeedineynaa, dadka shacabka ah in dhibaatada laga joojiyo ayaan aad u codsaneynaa”.

Xildhibaanka oo ah guddoomiyaha guddiga dastuurka baarlamaanka Galmudug ayaa sheegay inuu ka warqabo wadahadal dhexmaray Galmudg iyo Killirka isbuucan gudihiisa:

“Waxaan ka warqabaa in madaxweynaha Galmudug uu dalka Itoobiya soo maray usbuucaan gudihiisa arrintaasna la taabtay oo waxna la iskaga ogaa, mana aanan maleyneyn dagaal iyo arrimahaas howsha kuma jirin in la wada fariisto ayaa la isku gartay sidaan warka ku helnay, waxaan leenahay in arrinkaa la qaboojiyo wixii kale ee jirana laga wada hadlo”.

Inta la xaqiijiyay 10 qof ayaa ku geeriyootay dagaallo ka socda deegaanada Galmudug, gaar ahaan Miircowleed, meeshaas oo la sheegay in illaa iyo hadda la isku hor fadhiyo.