U bood dhigaalka

Xildhibaan Ka Tirsan Golaha Wakiillada Jubballand oo Geeriyooday

Sheeko:Amniga

Allaha u naxariistee waxaa goordhow magaalada Kismaayo ku geeriyooday Xildhibaan Shukri Saalax Cabdullahi oo ka tirsanaa baarlamaanka dowlad goboleedka Jubbaland.

Xildhibaanka ayaa ku xanuunsanaa maalmihii lasoo dhaafay magaalada, halkaas oo lagu baxnaaninayay, isaga oo ugu dambeyn saakay ku geeriyooday Isbitaalka Kismaayo.

Madaxweynaha dowlad goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam ayaa ka tacsiyeeyay geerida ku timid  Allaha u naxariistee Xildhibaan Shukri Saalax Cabdullahi.

Goobjoog News