Xildhibaan Ka Tirsan Hir-Shabeelle oo Dhaliillo usoo Jeediyay Madaxweyne Cosoble

Xildhibaan Cabdullaahi Maxamed Caddow oo u warramay Goobjoog News ayaa sheegay in madaxweyne Cali Cabdullaahi Cosoble uu ku  guuldareystay dedejinta dhismaha xukuumadda Hir-Shabeelle iyo inaanuu cidna la tashan dhismaha maamulka cusub ee gobolka Hiiraan.

Waxaa uu sheegay in sidoo kale arrimaha ammaanka uu ku dhaliilayo in uusan madaxweynaha weli waxba ka qaban.

“Hir-Shabeelle Soomaali oo dhan waa ogtahay iney tahay Curdin, madaxweynaha waxaan siinnay kalsooni uu xukuumaddiisa ku soo dhiso muddo 45 cisho ah wuu ku soo dhisi waayay, kadib bil ayaan ugu darnay, maalin dhexdaas ahna waxaan ugu darnay labo bilood, iydoo taasi ay jirto ayaa haddana Soomaaliya waxay ku baaba’day kaligii talis, dowladda waxaa loo dhisay ummadda meesha ku wada nool, hadda waxaan leenahay 97 xildhibaan waxaa naga maqan 7 xildhibaan, waxaan rabnay in xildhibaannada amnigooda iyo mushaaraadkooda meel la saaro, gobolkii nalaga soo doortay inaan joogno weeyaane maaha inaan xamar wadajoogno”, ayuu yiri; xildhibaan Cabdullaahi.

Madaxweyne Cabdullaahi Cosoble ayuu ku eedeeyay inuusan la tashan xildhibaannada magacaabista maamulka cusub ee golbolka Hiiraan:

“Maamulkii degmada ayuu isbedel ku sameeyay isagoo aan la tashan xildhibaannada ka soo jeeda Hir-Shabeelle, Soomaalida waxay wax ku qeybsataa 4.5 kiina uu ku xadgudbay ayaad mooddaa, madaxweynaha boqor maaha dastuurka waxa ku qoran uu wadaraacaa, marwalba waa loo baahan yahay inuu xildhibaannadii soo doortay inuu la tashto, xaqbaa loogu leeyahay taas”.

Isniintii la soo dhaafay 10. Janaayo.2017 ayaa madaxweynaha dowladda goboleedka Hir-Shabeelle uu xilka ka qaaday maamulkii gobolka Hiiraan, isagoo magacaabay xubno cusub oo hoggaamin doona gobolkaas.

Goobjoog News

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close
Goobjoog

FREE
VIEW