U bood dhigaalka

Xildhibaan Ka Tirsan Jubbaland Oo Dowladda Federaalka Uga Digay Carqaladeynta Doorashada Maamulkaasi

Sheeko:Dalka

Xildhibaan Cabdi Xasan Xiish oo ka mid ah mudanayaasha baarlamaanka Jubbaland ayaa uga digay dowladda Federaalka, gaar ahaan xildhibaanno ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya in ay carqaladeeyaan doorashada maanta la filayo inay ka dhacdo magaalada Kismaayo.

Waxa uu sheegay Xildhibaankan oo u waramay Goobjoog News, in maanta ay dhici doonto doorasho xalaal ah, ayna dooran doonaan madaxweynahooda cusub waa sida uu hadalka u dhigaye.

Waxa uu tilmaamay inay jiraan xildhibaanno ka mid ah Baarlamaanka Federaalka, kuwaasi oo uu ku sheegay in mar walba ay jecel yihiin dib u dhigga Jubbaland.

“Anaga maanta ayaan dooran donnaa madaxweynaheena cusub, waxaan uga digeynaa xildhibaanada ku sugan Muqdisho qaarkood ee arimaha Jubbaland faraha kala bixi la, waxaan leenahay annaga waan tashannay carqaladda ka daaya Jubbaland” ayuu yiri Xildhibaan Cabdi.

Maanta ayaa la filayaa in magaalada Kismaayo ee gobalka Jubada Hoose ay ka dhacdo doorasha madaxweynaha maamulkaasi, oo ay isku soo sharraxeen Afar qof.

Goobjoog News