U bood dhigaalka

Xildhibaan Khadiijo Maxamed Diiriye “Ilama Ahan In Dalka Doorasho Ay Ka Dhici Doonto 2016”

Sheeko:Dalka

Wasiirkii hore ee wasaaradda Haweenka iyo xuquuqul insaanka Xildhibaan Khadiijo Maxamed Diiriye waxa ay sheegtay in waqtiga ka haray hiigsiga 2016-ka ay ka dhici karto doorasho xalaal ah, waxaase ay sheegtay in taasi bedalkeeda ay tahay, tallaabo horay loo qaaday dhismaha maamul gobaleedyada wadanka.

Xildhibaanadda ayaa sheegtay in dhismaha maamulada dalka ay tahay arin aad u wanaagsan, shacabkana looga baahan yahay in ay istaageeraan oo ay dhistaan maamul ay u dhan yihiin, dowladuna ay taageerayso.

“Waqtiga Haray 2016-meesha loo socda aan la gaari karin aniga aragtideyda, waxaan aad usoo dhaweynayaa in dadka tashadaan waxna sameystaan, hala ilaaliyo Dastuurka hana lagu dhaqmo sharciga waxaa sii adkeynaya waxyaabaha sameysmaya” ayeey tiri Khadiijo Maxamed Diiriye.

Dad badan oo shacab iyo siyaasiyiin isugu jira ayaa su’aal ka keenaya in dalka ay ka dhacdo doorasho xur ah sanadka 2016-ka, hase ahaatee dowladda Federaalka ayaa sheegtay in waqtigaasi ay doorashada dhici doonto.

Goobjoog News