U bood dhigaalka

Xildhibaan Khaliif Cabdi Cumar: Xukuumadda Wax Shaqo Ah dalka Kama Heyso

Sheeko:Dalka

Xildhibaan Khaliif Cabdi Cumar oo maanta ka mid ahaa Xildhibaanno ka hadlayey khilaafka golaha shacabka ayaa sheegay in xukuumadda Federaalka Soomaaliya aysan wax shaqo ah dalka aysan u heynin.

Mar uu arrintaas ka hadlayey waxaa uu yiri

“Dowladda wax shaqo ah dalka kama heyso shaqadeediinna waa ay gabtay, ra’iisulwasaare iyo gole wasiirro ku mashquulsan in ay Baarlamaan burburiyaan ayaa naheysato guddoonkiina u soo dhigtay”

Xildhibaan Khalif oo sii hadlayey wuxuu yiri”arrin laga xumaado waxaan ku dhiiro-gelineynaa in howshoodii ay gabeen ay ku soo noqdaan howlaha Baarlamaankana ay faraha kala baxaan”.

Maalmihii dambe waxaa hareeyay golaha shacabka khilaaf ku saabsan Mooshinka ka dhanka guddoomiye Jawaari, kaas oo xataa oo ay ka hadashay beesha caalamka lamana oga goorta uu dhamaanayo.

Goobjoog News