U bood dhigaalka

Xildhibaan juweeriya oo Ku Geeriyootay Israsaaseyn Ka Dhacday Magaalada Jigjiga

Sheeko:Amniga

Wararka naga soo gaarayo magaalada Jigjiga ee xarunta dowlad deegaanka Soomaalida ayaa waxaa ay sheegayaan in rasaas uu furay askari ka tirsanaa ilaalada Garoonka diyaaradaha ee Wiil Waal Airport ay sababtay khasaare badan.

Rasaasta askari uu furay ayaa waxaa la sheegay in ay ku geeriyootay Xildhibaanad juweeriya oo ka tirsan golaha Wakiillada Baarlamaanka Dowlad Deegaanka Soomaalida, waxaana jira dhaawacyo kale oo soo gaaray dad shacab ah.

Dadka ay waxyeelladu soo gaartay ayaa waxaa sidoo kale ka mid ah dad shacab ah kuwaas oo ku suganaa garoonka oo la sheegay qaarkood in ay ka yimaadeen dibadda sida gabar la dhalatay Maareeyaha qodista ceelasha dhaadheer.

Lama oga sababata ka dambeysay inuu askariga uu furo rasaas sidaas u badan oo geystay waxyeello isugu jiro dhimasho iyo dhaawac soo gaaray dad shacab ah oo ku sugnaa garoonka diyaardaha Wiil Waal uu ilaalada ka ahaa.

No description available.

Goobjoog News