U bood dhigaalka

Xildhibaan Ku Taliyey In Dowladdu Dhex Dhexaadiso Sacuudiga Iyo Qatar

Sheeko:Baarlamaanka

Xildhibaan Maxamed Cali Cumar oo kamid ah mudanayaasha golaha shacabka ee baarlamaanka ayaa sheegay in dowladda Federaalka ay ku saxsaneyd go’aankii ay ka qaadatay xiisadda Khaliijka.

Xildhibaanka oo wareysi siiyey Goobjoog ayaa sheegay in dalalka is haya ay dhammaantoodba xiriir la leeyihiin Soomaaliya, islamarkaana taasi ay keenayso inaan cidna lala safan.

Waxa uu sheegay xildhibaanka in dalalka carabta gaar ahaan kuwa is haya aanay wax muuqda u qaban Soomaaliya, sidaasi darteedna dowladda Soomaaliya ay ku saxan tahay iney qaadato dhex dhexaadnimada.

Xildhibaan Cumar ayaa dhinaca kale sheegay in dowladda Soomaaliya sidoo kale laga doonayo haddii ay suurtagal tahay iney dhex dhexaadiso dowladahana is haya.

“Dalalkan is haya Isbitaallo iyo Laamiyo inooma sameyn, jaamcadda carabta waan ku wada jirnaa sax, laakiinse dowladda go’aanka dhex dhexaadnimada ah ee ay ka qaadatay waa mid saxan, waana soo dhoweyneynaa…faa’ido inoogu jirta inaan mid la safanno malahan” ayuu yiri xildhibaanka.

Dhanka kale xildhibaan Maxamed Cali Cumar ayaa sheegay in suurtagal tahay in kulanka ugu soo horreeya ee golaha shacabka ku yeeshaan magaalada Muqdisho looga hadli doono go’aanka dowladda ee ku aadan khilaafka Khaliijka.

Goobjoog News