U bood dhigaalka

Xildhibaan Kulalihi Oo Eedeyn U Jeediyay Xasan Sheekh Iyo Cabdiweli Gaas

Sheeko:Baarlamaanka

Xildhibaan Maxamuud Maxamed Maxamuud(Kulalihi) ayaa maanta shir jaraa’id oo uu ku qabtay magaalada Garoowe wuxuu si adag ugu dhaliilay madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh iyo Madaxweynaha maamulka Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas.

Xildhibaan Maxamuud Kulalihi ayaa sheegay inuu iscasilay oo uusan u tartamaynin xildhibaanimo, wuxuuna sheegay in Cabdiweli Gaas uu adeegsanayo laaluush iyo musuqmaasuq.

“Intii loo soo jeesan lahaa xaaladdeena Puntland dagaal Gaalkacyo ayuu Gaas isku howlay mar kastana dibadda ayuu ka aadaa markii uu billaabo, abaaro ayaa na hareeyay, musuqmaasuq, raashinkii deeq ahaan loo keeno suuqyada ayuu Cabdiweli Gaas ku gataa lacago false ah ayaa lagu sameeyaa Garoowe waa tan waa middan ma aniga ayaa sameystay lacagihii tolka idin soo dirayayna false-daas ayaa lagu la wareegaa” ayuu yiri xildhibaanka.

Xildhibaan Kulalihi ayaa eedeyn u jeediyay Madaxweyanaha Soomaaliya Xasan Sheekh iyo Cabdiweli Gaas oo uu sheegay in ay ku heshiiyeen inaan ku soo noqon baarlamaanka federaalka isagoo tilmaamay inay adeegsanayaan laaluush.

“Mashruuc ayaa la igu soo qaatay ma idin qarinaayo, Kulalihi yuusan baarlamaanka ku soo noqonin, mashruucaas waxaa ku soo heshiiyay Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Cabdiweli, iyadoo loo adeegsanaayo guddoomiyaha guddiga doorashada dadban Khaliif   Awcali, wasiirkeenna, xildhibaannadeena, warmurtiyadeedkii uu madaxweynaha soo saaray 29-kii Sept. ayaa idin cadeynaya in meesha uu musuqmaasuq ka jiro isaga ayaaba qiraya, deeqo waxbarasho ayaa la bixiyay oo dhan 1668 yaa la idiin siiyay wasiiraa qabnaa xildhibaannaa qabnaa, anniga hortiina ayaan ka sheegayaa dhis dhaqdhaqaaqa isbedalka doonka Soomaaliyeed, Xasan Sheekhna ma joogayo Cabdiwelina maanta ayay ku billaabatay mucaaradnimada” ayuu yiri xildhibaan Maxamuud Maxamed.

Xildhibaan Maxamuud Maxamed Kulalihi ayaa madaxweynaha maamulka Puntland Cabdiweli Gaas wuxuu ku eedeeyay lacago false ah oo ku daabaco magaalada Garoowe iyo inuusan bixin mushaaraadka ciidamada maamulka Puntland iyo shaqaalahaba.

Xildhibaan Kulalihi ayaa soo ahaa xubin ka tirsan baarlamaanka federaalka Soomaaliya wax ka badan 10 sano, waxaana maanta booskiisa loo doortay mudane kale oo ay tartanka kursigaasi ku wada jireen.

Goobjoog News