U bood dhigaalka

Xildhibaan Magan “Galmudug Iyo Puntland Haka Dhabeeyaan Heshiiskii Ay Gaareen”

Sheeko:Baarlamaanka

Xildhibaan Maxamuud Cali Magan oo kamid ah mudanayaasha baarlamaanka Soomaaliya ayaa ugu baaqay maamullada Puntland iyo Galmudug in ay ka dhabeeyaan heshiiskii ay ka gaareen dagaalladii Gaalkacyo, islamarkaana ay qodob walba fuliyaan.

Waxa uu sheegay Xildhibaanka oo la hadlay Idaacadda Goobjoog, in muddo 26-sano ay Soomaaliya dagaallo ku jirtay, islamarkaana aan la arag faa’ido gaar ah oo laga helay.

“In dagaal sokeeye dhaco xilligaan waxaan u arkaa arrin aad iyo aad looga xumaado, waa inay ka shalaayaan dadka deggan Gaalkacyo, waa inay ogaadaan in xilligaan Soomaaliya aysan dagaal sokeeye u baahneen, waxaa ugu filan wixii dhacay” ayuu yiri xidhibaanka.

Dhinaca kale xildhibaan Magan aya amar uu la hadlay madaxda maamul gobaleedyada Puntland iyo Galmudug waxa uu ugu baaqay inay u istaagana ka dhabeynta wixii ay ku heshiiyeen, islamarkaana aanay noqon mid af kaliya ku ekaada.

“Galmudug iyo Puntland haka dhameeyaan heshiiskii ay gaareen, waxaan leeyahay u istaaga ka qeybqaadashada nabadda, kala dambeynta waa inaad shacabkiina u turtaan, waa inaad nabadda idinka billawdaan” ayuu hadalkiisa ku daray xildhibaan Magan.

Hadalka xildhibaankan ayaa qeyb ka noqonaya baaqyo kala duwan oo loo jeedinayo madaxda maamul gobaleedyada Puntland iyo Galmudug, kaasi oo ku aadan inay fuliyaan qodobada lagu heshiiyay ee Gaalkacyo.

Goobjoog News