U bood dhigaalka

Xildhibaan Magan “Itoobiya Waxay Shacabka Gedo Ku Qasbeysaa Maamul Aysan Rabin”

Sheeko:Dalka

Xildhibaan Maxamuud Cali Magan oo ka mid ah xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya ee kasoo jeeda gobalka Gedo ayaa isaga oo wareysi siiyay Goobjoog News, waxa uu sheegay in dowladda Itoobiya, gaar ahaan ciidankeeda ka jooga Soomaaliya ay shacabka Gedo ku qasbayaan maamul aysan raali ka ahayn.

Waxa uu sheegay xildhibaanka in markii la qabtay degmada Baardheere ay sheegeen inay dhisi doonaan maamulka gobalka, taasi oo keentay dood xooggan.

“Waxa ay dhaheen maadaama aan Baardheere qabannanay waxaan magacaabeenaa maamulada heer gobal iyo heer degmo, waxay taasi keentay in la’is af dhaafo, Odayaashii waxay u sheegeen in aysan Itoobiya wax shaqo ah ku lahayn howlaha ka socda Gedo gaar ahaan dhanka maamulka” ayuu yiri Xildhibaan Magan.

Xildhibaan Maxamuud Cali Magan ayaa sheegay in shacabka ku dhaqan Gedo ay xaq u leeyihiin inay ka shiraan aayaha mustaqbalkooda, islamarkaana ay dooranayaan cidda ay u arkaan inay hogaankooda u dhiiban karaan.

Shalay waxaa degmada Garbahaarey ka dhacay dibadbax ka dhan ah maamulka cusub ee Gobalka Gedo iyo kan degmada Garbahaarey, waxaana dadka ay sheegeen in Itoobiya faragelin ku hayso aayaha gobalkaasi.

Goobjoog News