U bood dhigaalka

Xildhibaan Magan oo Sheegay in Saraakiil Itoobiyaan u Diideen Wafti Xildhibaano ah Booqashada Garbahaarey

Sheeko:Baarlamaanka

Xildhibaan Maxamuud Cali Magan oo ka mid ah mudanayaasha baarlamaanka Soomaaliya ayaa sheegay in Saraakiil Itoobiyaan ah u diideen in ay booqdaan Garbahaarey.

Xildhibaan Magan oo Goobjoog News u waramay, kana tirsan Xildhibaanada deegaanka ayaa intaa raaciyay in ujeedadoodu ay aheyd cabsi galin, Handadaad iyo masaafurin ay wadaan Itoobiyaanka.

Mar uu ka hadlayey Khilaafka Jubbaland, Waxa uu sheegay Xildhibaanka, in aysan micno badan keeneen xildhibaanno la siiyo beelaha diidan Jubbaland, ama aan ku qanacsaneen, mar hadii Axmed Madoobe uu sameystay wax walba oo uu doonayay.

“Axmed Madoobe wixii uu sameysan lahaa wuu sameystay, waxba kuma soo kordhineyso xildhibaanno dheeraad ah oo lagu daro baarlamaanka Jubba, waayo hadii wax la qancinaayo doorasho kahor bay ahayd” ayuu yiri Xildhibaan Magan.

Xildhibaanka ayaa dhinaca kale sheegay in caleema saarka Axmed Madoobe ee dhici doonta 12-ka bishaan aanu ka qeybgali doonin, isaga oo sheegay hadii ay taasi dhacdo inay la mid tahay isaga oo qiyaanay shacabka uu matalo.

Ugu dabeyn xildhibaanka ayaa sheegay in aysan sharci ahayn tallaabooyinka uu muranku ka taagan yahay ee uu qaaday madaxweynaha jubbaland arintaasi oo uu ku tilmaamay in ay iska hor keeneyso Beelaha wada dega Gobollada Jubbaland isaga oo sheegay in aysan dhici doonin in la sharciyeyo baarlamaanka hada ka jira Kismaayo

Goobjoog News