U bood dhigaalka

Xildhibaan Maryam Cariif “ Waxaa Loo Baahanyahay Ra’isulwasaare Madaxweyne uusan Soo Magacaabin” (Dhageyso)

Sheeko:Dalka

Maryan CariifXildhibaan Maryam Cariif oo ka mid ahaa xildhibaanadii maanta ka qeybgalay doodii mooshinka ee ka socotey baarlamaanka ayaa aragtideeda ka dhiibatay khilaafka madaxda ee soo noqnoqdey.

Waxa ay sheegtey in khilaafka uu sii socon doono inta laga helayo dastuur ay ku kala qeexantahay awoodaha madaxda, ama maxkamad dastuuri ah oo go’aankeeda aanan laga dabo hadli karin.

Waxa ay sheegtey in loo baahanyahay Ra’isulwasaare aanan magacaabis oga baahneyn madaxweyne ee xilka ku yimaada aqlabiyad baarlamaan oo uu xisbigiisu leeyahay, haddii taasi la heli waayana ay shacabka Soomaaliyeed si toos ah usoo doortaan madaxweyne iyo ku xigeen leh awood fulineed.

Waxa ay carrabka ku adkeysey in loo baahanyahay in la sameeyo xisbiyo siyaasadeed oo aqlabiyad ku kala hara.

Dhageyso

Goobjoog News