U bood dhigaalka

Xildhibaan Maryan Cariif Oo Ka Hadashay Sababta Loo Xallin La yahay Dagaallada Gaalkacyo

Sheeko:Dalka

Xildhibaan Maryan Cariif Qaasim oo kamid ah mudanayaasha aqalka hoose ee baarlamaanka Soomaaliya ayaa ka hadashay waxa inta badan soo celceliya dagaallada Gaalkacyo iyo waxa loo heli la yahay nabad waarta oo ka dhacda magaaladaasi.

Waxay Sheegtay Xildhibaan Maryan in arrinta ugu weyn ee meesha ka jirta ay tahay dagaallada dambe ee ka dhacay magaalada Gaalkacyo oo ka duwan kuwii la aqoodey ee horey uga dhacay magaaladaasi, maadaama hadda la sheego in dagaalka Labo maamul u dhaxeeyo.

Dagaalladii hore ayeey tilmaantay inuu u dhaxeeyay oo kaliya Labo beel oo Gaalkacyo wada deggan, islamarkaana wax walbo ay xallin jireen Odoyaasha dhaqanka, magaaladana sidaasi ay nabad ku ahayd.

Xildhibaan Maryan ayaa hosta ka xarriiqday in dhaqankii haatan laga awood batey, ayna meesha joogaan maamullo, islamarkaana weli haddii la heshiiyey xitaa aanu magaalada ka jirin is dhexgalka bulshada.

“Colaadaan Gaalkacyo ka socota waa noocee, colaadaan waa mid cusub oo ma ahan middii horey loo arki jirey, waxaa la arki jirey colaad Labo qabiil u dhaxeysa, oo Odoyaashooda xisaabtama o diyo kala qaata, dadka deggan Gaalkacyo waa walaalo, is dhalay, waligood wey is dili jireen, laakiinse maanta fikir cusub ayaa meesha kusoo kordhay, waxa kusoo kordhay waa siyaasad, dowlad goboleed iyo odoyaashii dhaqanka oo waayey awood ay wax ku xaliyaan, waxa na haysto waa dhaqankii oo madaxa loo geliyey shaqo aysan aqoon, waxaa la leeyahay waxaa dagaallamay Labo maamul marka wax walbo waxa cusleeya waa taas, hadda wax dhamaanaya malahan waayo siyaasad ayaa gadaal kasoo riixeysa” Xildhibaan Maryan ayaa sidaasi tiri.

Dagaallo u dhaxeeyey ciidamo kala taabacsan Puntland iyo Galmudug ayaa ka dhacay magaalada Gaalkacyo, inkastoo heshiis la gaaray hadane magaalada waxay u muuqataa mid weli kala xiran.

Goobjoog News