U bood dhigaalka

Xildhibaan Maxamed Axmed Gurxan oo La Aasay-Akhri Taariikhdiisa

Sheeko:Baarlamaanka

Waxaa Maanta Muqdisho lagu aasay Muqdisho Maxamed Axmed Gurxan oo ka tirsanaa Xildhibaanada Federaalka, Xildhibaanka ayaa u dhintay dhaawac ka soo gaaray xabado ay Sabtidii ku dhifteen dabley hubeysan isagoo marayey Xamarweyne.

Xildhibaanka waxaa uu dhashay 1962dii, waxbarshada Hoose waxaa uu ku qaaday Ceerigaabo halka dugsi sare uu ka dhigtay Hargeisa isagoo ku taqasusay cilmiga dhaqaalah.

Wasiirka Warfaafinta Maareeye oo Taariikhda oo kooban ka akhrinayey duugta Xildgibaanka Gurxan ayaa sidoo kale sheegay in ka soo shaqeeyay wasaaradda Maaliyadda Soomaaliya iyo Somaliland, waxaa kaloo uu noqday Xogheyaha Joogtada ah ee Wasaaradda arrimaha gudaha, hadda waxaa uu ahaa Xildhibaan ka tirsan Federaalka waxaa kaloo uu xubin ka ahaa guddiga amniga iyo arimaha gudaha.

La soco, Goor Dhaw, Sooyaalka Xildhibaanada Sanadka la dilay