U bood dhigaalka

Xildhibaan Maxamed Cabdi Yusuf Oo Eedeyn kulul u Jeediyay Madaxweyne Xasan & Guddoonka Baarlamaanka

Sheeko:Baarlamaanka

Xildhibaan Maxamed Cabdi Yusuf oo Maanta baarlamaanka ka hor hadalay ayaa eedeyn kulul u soo jeediyay Madaxweyne Xasan sheikh iyo guddoonka baarlamaanka oo uu ku tilmaamay iney luggooyo ku yihiin habsami u socodka howlaha baarlmaanka.

Xildhibaanka ayaa yiri;” meeshan waxaa ka socda in guddoonku luggooyo ku yahay habwanaaggii baarlamaanku lahaa, waxaa socda xadgudub qeyru-caadi ah, oo dastuurkii lagu tumanayo oo wax tixglin ah aaney jirin, dowladnimadiina dhulka lagu jiidayo ayaa meesha ka soconaya, waxaana mas’uul ka ah Madaxweynaha”.

Xildhibaanka oo hadalkiisa sii wata ayaa yiri;”Yaan warka la isku qarin madaxweynuhu waa mid baarlamaani ah , ma aha madaxweyne awood badan oo sida uu rabo ciidamada amarkooda u bixinaya, madaxweynuhu waa taliyaha ciidanka , waase haddii uu dalku dagaal galo oo xukuumaddu fariisato oo guddoomiso in dagaal la galo, oo baarlamaanka la keeno oo uu aqbalo, markaa kadib ayuu amar bixinayaa, laakiin toos maamul maalmeed iyo inuu taliyaasha ciidanka u yeeryeerto maaha, waxa soconayana waa taase ogaada”.

Ra’isulwasaaruhu warqad ayuu qeybiyay uu ku sheegayo in xasaanadda xildhibaanada ay muqadas tahay wax fulinaya ma leh, xildhibaanno meesha aan is dhigno ayaa nalagu qalayaa, annagaa sabab u ah inaan noocaa noqonno, guddoonka ayaa laga rabay inuu sharafta xildhibaanada dhowro isagaa laga rabaa inuu hoggaan u noqdo, hadduu madaxtooyada iska daba socdo baarlamaanku wuu baaba’ayaa, waana sida uu hadalka u dhigay xildhibaanku.

Waxa uu xusay in baarlamaanku yahay wakiilka shacabka Soomaaliyeed, isla markaana ay tahay inuu shacabka ka baqo, dhanka kale waxa uu xusay in  baarlamaankana ay tahay  in maamulka madaxtooyada iyo xukuumaddu ka baqaan, laakiin in nalagu tunto maaha.

Ugu dambeyn waxa uu hadalkiisa ku soo gabagabeeyay eedayn uu u soo jeediyay goddoonka isagoo yiri:” guddoonkana waxaan idin soo jeedinayanaa wax badan ayaad meel kaga dhacdeen awoodii baarlamaanka iyo sharaftii intaba, maanta wax ka dambeeyana ma yeelayno, waa inaad baarlamaanka ku hoggaamisaan sharafta uu qaranku leeyahay iyo Dastuurka oo la dhowrayo”.

Goobjoog News