U bood dhigaalka

Xildhibaan Maxamed Iidle Geedi oo sheegay in ay diyaar u yihiin xalinta khilaafka madaxda dowladda (Dhageyso)

Sheeko:Dalka

Xildhibaan maxamed Iidle Geedi oo ah Gudoomiyaha Gudiga Maaliyadda ee Golaha Baarlamaanka Soomaaliya ayaa isaga oo la hadlay Goobjoog FM waxa uu nasiib darro ku tilmaamay Khilaafka soo kala dhex galay madaxda ugu sareysa Dowladda Soomaaliya,

Waxa uu xusay inay muhiim tahay in laga fekero dib u dhaca uu khilaafkan ku keeni karo dalka isaga oo sheegay in uu baarlamaanka soomaaliya u istaagayo xalka is maandhaafka madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya.

Xildhibaan Geedi ayaa sheegay in ka xildhibaano ahaan ay diyaar u yihiin in ay u istaagaan sidii ay ku xalin lahaayeen khilaafka u dhaxeeya madaxda sare, una sheegayaan in xalka uu ku jiro is faham iyo wanaag.

Waxaa jira khilaaf u dhaxeeya madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo Ra’iisul wasaare C/weli Sheekh kaa oo soo ifbaxay ka dib isku shaandheyntii golaha wasiirada ee xukuumada Soomaaliya.

Halkaan hoose ka dhageyso wareysiga Xildhibaanka.

Goobjoog News