U bood dhigaalka

Xildhibaan Dhuux “Hay’adaha Amnigu Waxay Ku Fashilmeen Ka Hortagga Weerarada Ku Wajahan Hoteelada Muqdisho”

Sheeko:Baarlamaanka

Xildhibaan Maxamuud Cali Dhuux oo ka tirsan guddiga ammaanka iyo gaashaandhigga ee baarlamaanka federaalka ayaa hay’adaha amniga ku eedeeyay aqoondarro iyo inay ka caajiseen qaadista tallaabooyin ka dhan ah dadka wada falalka amni xumo.

Xildhibaanka oo wareysi gaar ah siiyay Goobjoog News, ayaa waxa uu dhaliilay ka war hayn la’aanta dadka magaalada Muqdisho deggan oo tirakoob sax ah aan laga hayn, la socodkooduna uu yar yahay taasna ay qeyb ka tahay in weerarada hoteelada ay soo noqnoqdaan.

Waxa uu tilmaamay in ciidan la’aani aaney jirin, laakiin shaxda shaqada ay wax ka khaldan yihiin:

“Wasaaradda amniga iyo wasaaradda arrimaha gudaha dhamaan wey shaqeynayaan Jidadka wey taagan yihiin, waxaa khaldan waa shaxda wax lagu raadinayo, qaraxa banaanka lagama keenin diyaaradna laguma keenin Xamar gudihiisa ayaa lagu sameynayaa, ragga sameynayaana Xamar bay joogaan, ciidamo waa jiraan aqoontii iyo qaabka loo fulinayo ayaa wax ka khaldan yihiin”.

“Ciidamada qalabka sida ee hubeysan bartimaameed loo sheegay ayay ku duuli karaan, dadka shaqeynayaa waa Booliska iyo nabadsugidda iyo laanta sirdoonka, isku xirnaashiyaha waxaa laga rabaa Booliska, nabadsugidda iyo shacabka iney isku xiran yihiin, xiriirka dadweynuhu uu aad u badan yahay, inaan daafaca ka baxno oo aan weerar galno ayaa la inaga rabaa”, ayuu hadalkiisa sii raaciyay.

Maalin ka hor ayay ahayd markii weerar isugu jira  ismiidaamin iyo dagaal toos ah ay rag hubeysan  ka fuliyeen hoteelka Naasa-hablood 1 ee magaaladan Muqdisho, weerarkaas oo geystay khasaare nafeed iyo mid hantiyeed intaba.

Goobjoog News