U bood dhigaalka

Xildhibaan Mayoow Mustaf oo Ku Dhaawacmey Weerar Lagu Qaaday

Sheeko:Dalka

xildhibaanXildhibaan Mayoow Mustaf oo ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya ayaa lagu dhaawacay degmada Xamar Weyne ee magaalada Muqdisho kadib markii kooxo hubeysan oo gaari watey ay weerareen xildhibaanka .

Wararka soo baxaya waxa ay sheegayaan in sidoo kale isla goobta lagu diley 4 qof oo la socdey xildhibaanka.

Kooxihii falka geystey ayaa meesha ka baxsaday, waxaana xusid mudan in uu falka ka dhacay meelaha amaankooda loogu illaalinta badanyahay ama degmooyinka amnigooda uu xasilanyahay ee magaalada Muqdisho.

Weerarka waxaa ku dhintey 4 qof oo 3 ka mid ah ay yihiin ciidamada booliska oo isku dayay in ay is hortaagaan gaariga weerarka geystey, hal qofna waxa uu ahaa qof shacab ah.

 

Ragga weerarka geystey ayaa waxa ay saarnaayeen gaari madoow oo noociisu yahay Kaarib.

Goobjoog News