Xildhibaan Nuucee Ah Ayaan U Baahanahay? 

Soomaaliya burburkii ka dib waxay yeelaneysaa bilowga 2017 iyo dhamaadka sanadkan 2016 dowladii labaad oo aan ku meel gaar ahayn, waxaana socda qorshaha dhismada baarlamaankii Tobnaad ee ay Soomaaliya yeelato xornimadii ka dib, kana kooban 275 xildhibaan.

Dhanka kale Soomaaliya waxay unkeysaa markii ugu horeysa golaha Aqalka Sare oo dhan 54 kursi, hasayeeshee ay ka jirto isqaba hanaanka awood qeybsiga iyo tirada uu noqonayo, waxaana sidoo kale dib u dhacay soo gudbinta murashaxiinta aqalka sare, waxaa kaloo su’aal ka taagan tahay dadka aqalkaas loo xulayo oo laga shaki qabo in ay isku badalaan kuraas qabiil.

Dhawwaan ayay aheyd markii la dhisay guddi hirgelinta doorasho dabban oo ka kooban labo qeyb, guddiga doorashada dadban ee heer federal iyo gudiga doorashada dadba ee heer maamul goboleed, waxayna iska kaashanayaan qabsoomidda doorashada dadban ee Soomaaliya ka dhacaysa dabayaaqada sanadkaan 2016.

Guddiga doorashada dadban ee Soomaaliya waxay dajiyeen sharuudo guud oo sheegaya in aqalka sare iyo kan hoose intaba ay 30% haween noqdaan ayna u sinaadaa xubnaha labada aqal qeybaha kala duwan ee bulshada.

Hadaba waxaa is weydiin mudan xiligaan oo ay Soomaaliya ku jirto kala guur siyaasadeed iyo mid nidaam dowladnimo intaba, xildhibaano nuucee ah ayay u baahantahay?

Xildhibaano rag iyo dumar loo simay oo muuqa sare laga eegay mise kuwa lagu soo xulay aqli iyo hogaamin? Mise kuwa qabiil walba uu soo dirsaday kan ugu xooga iyo qabyaalada badan? Mise mid kursiga ku yimaada qadaadiic lacageed?.

Baarlamaanka soo socda lagama sugayo oo keli ah dajinta sharciya kala haga maamul goboleed saldhigoodu yahay qabiil ama koox, golaha shacabka ee Tobnaad waxaa horyaala hawlo shaqo oo aan halkaan lagu soo koobi karin iyo dhawrista hirgelinta nidaam dawladnimo oo ku cusub Soomaaliya waxaana ka mid ah:

  1. Dhameystirka iyo dib u eegista dastuurka dalka
  2. Dajinta sharciga doorashada 2020 si loo gaaro doorasho qof iyo cod ah
  3. Dhismaha maxkamada dastuurka iyo gudiga adeega garsoorka.
  4. Go’aan ka gaarida nuuca federal ee uu qaadanayo dalku
  5. Dhameytirka gudiyada madaxa banana
  6. Dhameystirka sharciyada isgaarsiinta, sharciga tamarta, iyo qeybsiga kheyraadka dabiiciga ee dalku leeyahay.
  7. Dajinta sharciyada uu ku shaqeynayo aqalka Sare
  8. Dib u eegista heshiisyada ay dowladda Soomaaliya la gashay wadamada shisheeye.

Iyo hawlo kale oo saldhig u ah sharciyada iyo dowladnimada dalka.
Nidaamkaan doorashada dadban ee ka dhacaysa dalka waxay dadweynuhu leeyihiin matalaad oo shacabka ayaa qeyb ahaan go’aan ku leh in la helo xildhibaan ku fariista kursiga golaha shacabka ee laga hagi doono dalka afarta sano ee soo socota.

Hadaba maxay adiga kula tahay in lagu soo xulo xildhibaanada la soo dooranayo ee ku ma talaya afarta sano ee kugu soo wajahan.

W/Q:  Xasan Maxamud Maxamed,

 

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close
Goobjoog

FREE
VIEW