U bood dhigaalka

Xildhibaan Nuur Faarax “Kenya Waxay Wadaa Yasitaan Soomaaliya Ah”

Sheeko:Dalka

Xildhibaan Nuur Faarax Jaamac oo ka mid ah mudanayaasha baarlamaanka Soomaaliya, gaar ahaan xubnihii dhawaan gaaray degmada Baladxaawo ee gobalka Gedo ayaa isaga oo wareysi siiyay Goobjoog News, waxa uu sharaxaad dheeraad ah ka bixiyay waxyaabihii ay kusoo arkeen xuduuda aan rasmiga ahayn ee u dhaxeysa Soomaaliya iyo Kenya.

Waxa uu sheegay in aan la siibin dhagxaantii gumeystaha uu Labada dhinac ku kala calaameeyay, balse waxa uu amaanay shacabka Soomaaliyeed ee ku dhaqan degmada Baladxaawo, taasi oo ku aadan feejignaanta ah in Kenya ay iska qodato xuduudda aan rasmiga ahayn ee Labada dal.

Xildhibaanka ayaa tilmaamay inay u muuqatay yasitaan Kenya ay waddo kaasi oo ah in ay iska qodato xuduuda iyadoo aan Soomaaliya kala hadal.

“Waxay tagitaankeena aan ku xaqiijinay inuu jiro dhaq dhaqaaq, sida godka ay qodeen, waxaa kaloo inoo muuqatay in Kenya ay waddo yasitaan kaasi oo ah in go’aan gaar ah ay qaadato, walibana ay ku qodato xuduuda iyadoo Soomaaliya aanay soo war gelin” ayuu yiri Xildhibaanka.

Ugu dambeyn xildhibaan Nuur Faarax Jaamac ayaa sheegay in ay sameyn doonaan ka baarlamaan ahaan sharci ballaaran oo ilaalin doona xuduudaha dalka, kaas oo lagula xisaabtami doono cid walba oo xuduuda kusoo xad gudubta.

Goobjoog News