U bood dhigaalka

Xildhibaan Qoono “Xukuumadda Wey Ka Gaabisay Wax Ka Qabashada Dagaalka B/weyne”

Sheeko:Baarlamaanka

Xildhibaan Maxamed Ibraahim Xasan Qoono oo ka mid ah mudanayaasha baarlamaanka Soomaaliya ayaa ka hadlay dagaallada ka socda magaalada Baladweyne ee xarunta gobalka Hiiraan, isaga oo eedeyn u jeediyay xukuumadda Soomaaliya.

Waxa uu sheegay in xukuumaddu ay gobalka Hiiraan gacan bidixeysay, islamarkaana aysan u gurman dagaalka ka socda Baladweyne, si nabadda magaaladaasi looga shaqeeyay.

Waxa uu sheegay in aan loo sinneyn xilligaan dowladnimada, isaga oo tusaale usoo qaatay qaabka loo xalliyay dagaalka Gaalkacyo, waa sida uu hadalka u dhigaye.

“Waad ogtahay in lagu dagaallamay Gaalkacyo, Ra’iisul wasaaraha ayaa tagay, wasiirka arrimaha gudaha ayaa tagay, wixii howl ah oo xukuumaddu waday baa la joojiyay, Seddax maalin ayaa Baladweyne lagu dagaallamayaa, hadaba Baladweyne ma Bosnia, mise Ruushka ama dalshisheeye waaye, Ra’iisul wasaaraha miyuusan shacabkaan kale u ahayn Ra’iisul wasaare” ayuu yiri xildhibaanka.

Dhinaca kale xildhibaanka ayaa sheegay inay isku dayeen inay la xiriiraan Ra’iisul wasaaraha si arrintaasi loo xalliyo balse aysan helin.

Ugu dambeyn xildhibaan Qoono ayaa ugu baaqay madaxda dowladda Federaalka Soomaaliya in ay u istaagto sidii degdeg loogu joojin lahaa dagaalka ka socda magaalada Baladweyne ee xarunta gobalka Hiiraan.

In ka badan 5 qof ayaa ku dhimatay dagaalka ka socda magaalada Baladweyne ee gobalka Hiiraan, waxaana ku dhaawacmay dad ka badan 50 qof, iyadoo halkaasi ay ku dagaallamayaan beello wada deggan xaafadda Howlwadaag ee magaaladaasi.

Goobjoog News