U bood dhigaalka

Xildhibaan rajo wanaagsan ka muujiyay shirka Garbahaarey (Dhageyso)

Sheeko:Dalka

Mudane ka tirsan Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa rajo ka muujiyay in natiijo wax ku ool ah ay ka soo baxdo shirka ka socda degmada Garbahaarey.

Xildhibaan Maxamed Cali Magan oo ka mid ah xildhibaanada Baarlamaanka ee ka soo jeeda gobolka Gedo ayaa dhanka kale sheegay in shirkan uu geli doono ilaa saddex marxaladood waxaana uu tilmaamay in hadda marxalada ugu horeysa la marayo.

Dhanka kale, waxa uu tilmaamay xildhibaanka in shirkan ay ku casuumeen dhammaan beelaha wada dega gobolka Gedo uuna yahay mid aayaha gobalkaasi looga hadlayo.

Ergada ka qeyb galeysa shirkan ayaa xusay in shirkii madaxwayne Xasan Sheekh uu ka furay Kismaayo ee dhammaaday ay maamulayeen hal dhinac.

Shirarka is bar bar socda ayaa soo batay tan iyo markii lagu dhawaaqay qaar ka tirsan maamul goboleedyada dalka.

Hoos ka dhageyso Wareysiga Maxamed Abuukar Kulmiye uu la yeeshay Xildhibaan Maxamed Cali Magan: