U bood dhigaalka

Xildhibaan Reyte “Raali kama nihin muddo kordhin ku aadan xilliga doorashada ee Somaliland”

Sheeko:Dalka

Xildhibaan Ibraahim Jaamac Cali (Reyte) oo ah gudoomiyaha gudiga arimaha Gudaha iyo Nabad galyada baarlamaanka Somaliland ayaa sheegay in marnaba aan loo dul qaadan doonin in waqti lagu darsado xilliga qorshaha uu yahay in ay dhacdo doorashada madaxtooyada iyo mida Baarlamaanka.

Waxa uu sheegay Xildhibaanka oo u waramay Barnaamijka Doorasho ee Goobjoog Fm in hadda dhamaan shacabka iyo xisbiyada mucaaradka ah ay yihiin kuwo daneenaya in ay dhacdo doorashadaan, waliba waqtiga loogu tala galay.

Kaliya ayuu sheegay in dib u dhigista doorashada ay sabab u noqon karta marxalad deg deg ah oo dalka galo sido dhul gariir, Abaar ama wax kalifaya in doorashado dhiciweyso.

Xukuumada ayuu sheegay in hadda laga dareemayo caga jiid ku aadan qabsoomidda doorashada waa sida uu hadalka u dhigaye, waxaana sidoo kale uu tilmaamay in ilaa hadda Baarlamaanka aan lahor keenin gudigii doorashada ee dhawaan la magacaabay.

Halkaan hoose ka dhageyso Wareysiga.

Goobjoog News