U bood dhigaalka

Xildhibaan Ruush ah oo sheegay in Windows 10 uu Mareykan u Basaaso!

Xildhibaan ka tirsan Ruushka ayaa todobaadkan sheegay in Windows 10 uu u basaaso Mareykanka, isagoo ku eedeeyay shirkadda in habkan aanu la mid aheyn hababkii hore.

Xildhibaankan oo xukuumadda warqad u qoray waxaa uu sheegay in Shirkadda ay duubeyso dhamaan arimo xasaasi ah oo la xiriira qofka si ay ugu gudbiso dad ama dowlado kale.

Shirkadda ayuu ku eedeeyay in ay leedahay waa in la diiwaan galiyaa dhamaan Accontiyada qofka, Telefoonada, baswarada iyo arimo kale oo sir ah taas oo si fudud dad kale ama dowlado kale uga faa’ideysan karaan, loona isticmaali karo.

Shirkadda Microsoft  waxaa ay awood u leedahay in ay keydsato dhamaan Macluumaadka la xiriira shakhsiga Isticmaala Windows 10, taas oo xildhibaankan uu u arkay mid ka hor imaaneysa Madaxbanaanida iyo dadnimada dalkiisa.

Shirkaddan Microsof oo laga leeyahay dalka Mareykanka waxaa ay shaqeyn jirya dhowr sano, waana markii ugu horeysay oo eedeyn noocan ah loo soo jeediyo, weli wax jawaab kama soo bixin shirkadda.

Lakin Xildhibaankan waxaa uu ku doodanayaa in shirkaddan ay keydineyso eray kasta oo lagu qoro Adeegeeda, Macluumaad, Codad, Muuqaal iyo arimo aan horay looga baran, taas oo shaki ku abuurtay Xildhibaanka warqadda u qoray Xukuumadda