U bood dhigaalka

Xildhibaan shaki geliyay in doorasho ka dhacdo dalka 2016-ka

Sheeko:Dalka
Xildhibaan Cabdiraxmaan Faarax Ibbi
Xildhibaan Cabdiraxmaan Ibbi

Xildhibaan  ka tirsan barlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa shaki galiyay suurta galnimada  in dalka  doorashooyin xor ah ay ka  dhacaan  marka la gaaro sanadka 2016-ka.

Xildhibaan Cabdiraxmaan Faarax Ibbi ayaa sheegay in   marxalada dalka aysan suurta gal ka  dhigaynin in doorashooyin lagu qabto.

Waxa uu tusaale u soo qaatay Ibbi  qaabka doorashooyinka dalalka  caalamka oo goob kasta si nabad galyo ah dadku loogu geeyo sanaadiiqda.

Madaxda ugu sareysa dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa mar kasta sheega in ay ku rajo weyn yihiin qabsoomida doorashooyin xor ah oo qof waliba uu codkiisa ku doorn doono cidii uu rabo marka la gaaro 2016-ka.

Hoos ka dhageyso codka Xildhibaan Cabdiraxmaan Faarax Ibbi: