U bood dhigaalka

Xildhibaan sharci darro ku tilmaamay maamulka lagu midaynayo Mudug iyo Galgaduud

Sheeko:War

Xildhibaan ka tirsan barlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa sharci darro ku tilmaamay nidaamkii loo maray Shirka la qorshaynayo maamul u samaynta gobolada DHexe ee dalka.

Xildhibaan Cabdikariin Daahir Shariif oo la hadlay Goobjoog FM Ayaa sheegay in Shacabka Gobolada DHexe ee Soomaaliya  aysan ku qanacsanayn qaabka ay dowladdu u doonayso in maamulka loogu sameeyo gobolada DHexe ee dalka.

Xildhibaanka ayaa shaaciyay inaysan ogolaan doonin qorshe aan waafaqsanayn dastuurka KMG ah ee u degsan  Soomaaliya, isaga oo ka digay in colaad laga dhex abuuro beelaha Soomaaliyeed ee wada daga gobolada DHexe ee dalka oo uu sheegay inay isku khilaafsan yihiin  dhismaha maamulkaasi.

Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa ogolaatay in maamul goboleed loo sameeyo gobolada Galgaduud iyo Mudug.  Heshiiska oo ka dhacay xarunta Villa Soomaaliya ayaa waxa  saxiixay mas’uuliyiin ka socotay maamulada Galmudug, Ximin iyo Xeeb,  Ahlu Sunnah iyo wasiiro ka tirsan xukuumadda Soomaaliya.

Maamulka deegaanka Xeraale ee gobolka Galgaduud ayaa ahaa dhinicii u dambeeyay ee muujiyay in ay ka soo hor jeedaan heshiiska lagu gaaray Muqdisho, halka maamulka Ximin iyo Xeeb ay ugu dambayn saxiixeen ka mid noqoshada  dhismaha maamulkaasi  oo ay hore uga biyo diideen.

Maamul goboleedka Puntland ayaa dhankiisa cod dheer ku sheegay in dowladda DHexe ay xiriirka  u jirayaan ,  iyagoo ku andacoonaya in qayb ka mid ah Mudug ay hoos timaado maamulkooda.

Qaar ka mid ah wax garadka Soomaaliyeed  ayaa ku tilmaamaay nidaamka Federaalka mid iska hor keenaya  dadka  Soomaaliyeedoo badankood ay reer guuraa yihiin.