U bood dhigaalka

Xildhibaan Shariif Cabdalla Oo Dhaliilay Wasiirka Waxbarashada Xukuumadda Soomaaliya

Sheeko:Baarlamaanka

Xildhibaan Shariif Maxamed Cabdalla oo ka mid ah mudanayaasha baarlamaanka Soomaaliya ayaa nasiib darro ku tilmaamay hadal shalay kasoo yeeray wasiirka Waxbarashada kaasi oo ah in dowladda ay miisaanto ardayda ay soo saaraan Dalladaha waxbarashada ee dalka ka hana qaaday wixii ka dambeeyay burburka dowladii dhexe ee dalka.

Xildhibaanka ayaa sheegay in Dalladaha dadkii ay soo saareen ay qaarkood wasiirro yihiin, kuwo kalena ay shaqooyin muhiim ah u qabtaan shacabka Soomaaliyeed.

Waxa uu sheegay Xildhibaan Cabdalla in wasiirka waxbarashada Khadra Bashiir Cali aanay dalka la socon, nasiib darrana ay tahay in xilkaasi loo dhiibo waa sida uu hadalka u dhigaye.

“Daladaha waxbarashada ee Khadra tilmaantay waa kuwo soo saaray in ka badan 200-kun oo arday, in aan is barbar dhigno tacliintii dowladii dhexe gudbin jirtay iyo midda hadda socota gaar ahaan 20-kii sano ee lasoo dhaafay, tacliinta ay yaseyso dadkii kasoo baxay qaarkood waa wasiiro, wasiirro ku xigeenno, Xildhibaanno, dhaqaatiir, si walba oo ay tahay waa nasiib darro in qof aan dalkaba la socon loo dhiibo adeegii ugu muhiimsanaa ee tacliinta, marka waxaan aad iyo aad u cambaareynayaa, aadna u dhaliilayaa habka wasaaradda ay u shaqeyso oo ugu horeeyo wasiirkeedii, ma ahan qof gaarsiisan biseyl siyaasadeed” ayuu yiri xildhibaanka.

Mudanayaasha baarlamaanka Soomaaliya ayaa shalay su’aallo dhowr ah kuna saabsan tacliinta dalka weydiiyay wasiirka waxbarashada xukuumadda Soomaaliya Khadra Bashiir Cali.

Goobjoog News