U bood dhigaalka

Xildhibaan Shariif: Madaxda Dowladda Faragelin Bay Ku Hayaan Howshii Guddiga Baarlamaanka Ee Hanaanka Doorasho 2016

Sheeko:Baarlamaanka

Xildhibaan Shariif Maxamed Cabdalla oo ka tirsan baarlamaanka federaalka Soomaaliya oo wareysi gaar ah siiyay Goobjoog News ayaa ku eedeeyay dib u dhaca guddiga baarlamaanka ee turxaan bixinta hanaanka doorasho  Madaxtooyada,Ra’iisul wasaaraha,guddoonka baarlamaanka iyo beesha caalamka oo uu yiri waxay faraha la galeen howshii guddiga iyadooon baarlamaanka la keenin.

Xildhibaanka ayaa ugu horreyn ka hadlay doorashada soo aaddan iyo qiimaha ay ugu fadhido dalka:

“Doorashaba haddii laga hadlayo waa horumar oo dalkeenu meesha uu ka soo bilaabay la ogyahay , haddiiba doorasho laga hadlayo waa arrin lasoo dhaweynayo”.

Waxa uu ka hadlay go’aanka ah in doorasho dadbani ay dalka ka dhacdo inuu yahay mid la isku raacsan yahay:

“Go’aan siyaasadeed baa la gaaray oo ah inaan doorashadii dastuurku tilmamay aaney qabsoomi Karin, sidaa darteedna ay noqoto doorasho kooban in la sameeyo oo matalaad kooban ku dhisan, arrintaas dowadda dhexe ee federaalka macal baarlamaankeedii iyo maamul goboleedyadii arrinkaas wadatashi badan baa la geliyay illaa heer shacab la gaarsiiyay ugu dambeystiina waxaa la gaaray go’aan, kaas oo loosoo gudbiyay baarlamaanka si uu u ansixiyo”.

Arrimo badan ayaa la isku khilaafay laakiin waxaa ugu darneyd, ayuu yiri; arrinka aqalka sare iyo iney doorashadu dhici karto August ka hor iyo in kale.

Xildhibaanku waxa uu aad u dhaliilay tirada dheeriga ah ee aqalka sare laga siiyay Somaliland iyo Puntland, isagoo yiri rag dhaxalka looma kala badiyo si isku mid ah ayaa loogu qeybiyaa, kan sheekha ah iyo kan kale, waxaa kale oo uu xusay in gobolka Banaadir laga qadiyaa ay ahayd arrin cadaalad darro ah.

Xildhibaanka ayaa waxa uu hoosta ka xariiqay iney Soomaali isku tashato oo si aan gaab dowladeed u dhicin doorashada wakhtigeeda lagu qabto oo aan laga dib dhicin.

Xildhibaan Shariif oo ka hadlayay sababta ay guddiga turxaan bixinta hanaanka doorasho ee baarlamanka uga soo dib dheceen wakhtigii loogu talagalay:

“Dhinac guddoomiyihii baarlamaanka ayaa la jooga oo isagu raba inuu u soo leexiyo waxay odayaashu isku ogsoon yihiin, dhinacna madaxtooyadii ayaa la fariisanaysa, marna ra’iisul wasaarihii ayaa la fariisanaya iyadoon baarlamaankii aan waxba la horkeenin, guddigiina saas uma madaxbanaana, guddi haddii la magacaabo waa in howshiisa loo madax banaaneeyaa, waxa hadda baarlamaanka la keenayo ra’yigoodii maaha waa wax la soo walaaqay”.

Ugu dambeyn, Beesha Caalamka ayaa Sabtidii la soo dhaafay soo saartay baaq ku socda baarlaamka federaalka oo ku aaddan dib u dhaca ansixinta hannaanka doorasho iyadoo baaq lagu canaantay baarlamaanka lagu tilmamaay iney adeegsanayaan taktikooyin ay ku doonayaan muddo kororsi.

Goobjoog News