U bood dhigaalka

Xildhibaan  Shariif: Maqaamka Muqdisho Waa La Fududeystay

Sheeko:Baarlamaanka

Xildhibaan Shariif Maxamed Cabdalla oo ka tirsan baarlamaanka federaalka Soomaaliya oo wareysi gaar ah siiyay Goobjoog News ayaa sheegay  in la fududeystay maqaamka Muqdisho.

Xildhibaan Shariif ugu horeyn waxa uu guud ahaan soo dhaweeyay qodobadii kasoo baxay shirkii madasha:

“Mudadii dheerayd ee loo fadhiyay shirka iyo sida loo soo koobay waxaa ka muuqata in dadaal badan la galiyay, meesha ay kala joogeen iyo sida ay usoo koobeen war-murtiyeedka waa arrin lagu amaani karo”.

Xildhibaanka ayaa xusay in arrimaha sida adag looga dooday uu ka mid ahaa aqalka sare, isagoo ka waramay sababta illaa hadda la iskugu afgaran la’yahay aqalka sare:

“Aqalka sare markii hore waxay ku saleysneyd gobolada, Muqdisho-na wey ku jirtay, sida qodobka 72-aad ee Dastuurku uu qorayo, waxaa lagu qeybsaday dowlad goboleedyo, Xamar dowlad goboleed ma raacin, maqaamkiina howl badan lama galin oo waa la fududeystay, hadda guddi baa loo saaray oo lixdan maalmood haku soo dhameeyaan la yiri, guddiga looma deynayo, gudiyada la magacaabo waxaan baraney guddi kastaa waa la daba joogaa, guddi talo tiisa ah la meel mariyaa way yartahay”.

Xildhibaan Shariif Aqalka Hoose waxa uu ku sheegay mid dhaqan ahaan la bartay:

“Aqalka hoose waa aqal dhaqan ahaan aan horey u garan jirnay oo lagu soo dhaqmi jiray weeye, waa baarlamaan caadi ah haddii la gaaro 2020 kana Axsaabta ayaa tartameysa markaa doorasho caadi ah ayay noqoneysaa”.

Xildhibaanka ayaa qiray in aanuu rajo badan ka qabin in 4 Augusto ee loo balamay maqaamka Muqdiso la isla meel dhigo ay ku adkaan doonto madaxda iney isku afgartaan, maadaama Augusto guud ahaan siyaasaddu ay aad u kacsan tahay, waxaanuu sheegay iney dhici karto in dib loo dhigo oo doorashda kadib la sameeyo maqaamka Muqdisho.

Khamiistii la soo dhaafay ee 2 Juun ayaa golaha madasha ee ka kooban madaxda Dowladda federaalka iyo kuwa dowlad goboleedyada dalka ay soo saareen war-murtiyeed ku aaddan doorashada dalka kana kooban 11 qodob, iyadoo maqaamka Muqdisho loo saaray guddi gaar ah oo muddo 2 bilood gudahood ka soo talo bixinaya maqaamka Muqdisho.

Goobjoog News